Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ka waramay Xaqiiqada kooxda Al-Shabaab

January 27, 2015 - Written by Editor

ZakiMuqdisho:-Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa Madaxii hore ee Sirdoonka kooxda Al-shabaab ayaa maanta shir jaraa’id wuxuu ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta DFS ee magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadlay arrimo xasaasi ah iyo sababaha uu uga baxay kooxda Xadgudubtay ee Al- Shabaab.

Zakariye Ismaaciil Madaxii hore ee Sirdoonka kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay dowladda Mareykanka ay duldhigtay aduun dhan  3-milyan oo doollar waxaana uu ka mid yahay Zakariye Ismaaciil Xirsi raga shirqoolada badan ee lagu dilay birimageydo badan soo agaasimi jiray .

Zakariye Ismaaciil ayaa shirkiisa Jaraa,id wuxuu ku yiri “Anigoo ah Zakriya Ismaaciil Xirsi oo ku magac dheer Zaki maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Jan 2015 (Talaado), Sidaad la socotaanba waxaan ahaan jiray xubin ka tirsan ururka Al-shabaab masuuliyado kale duwan  ka soo qabtay hogaanka sare ee  Al- Shabaab waxaan cadeynayaa inaan ka baxay kooxda Al-Shabaab ”.

Zakariye Ismaaciil ayaa sheegay in Al-Shabaab ay markii hore  u galee si niyad wanaag balse nasiib daro waxaa la leexshay u jeedooyinka ururka Al-shabaab ayuu yiri rag dano gaar ah iyo ajandooyin kale watay.

Zakariye Ismaaciil ayaa sheegay sababaha uu uga baxay kooxda Al-Shabaab waxaana ka mid ah

1- In laga beensheegay  ku dhaqankii shareecada Islaamka laguna dhacay xadgudub diineed.
2- Midnamadii iyo wada tashigii ururka Al-Shabaab oo meesha ka baxay
3- Xariirkii bulshada Muslinka ah ee Soomaaliyeed oo xumaaday loona turi waayay
4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo gaystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaa.
5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado laguna daadinayo dhiigga muslinka.
Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa Madaxii hore ee Sirdoonka kooxda Al-Shabaab ayaa hoosta ka xariigay in fikirka guracan uu ku kooban yahay rag faro ku tiris ah oo haya hogaanka Al-Shabaab.

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa Madaxii hore ee Sirdoonka kooxda Al-Shabaab  ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirka Al-Shabaab uuna qaatay nabad wuxuuna ugu baaqay saaxiibadiis ku haray Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan isaga oo ugu baaqay DFS in ay wadahadal iyo nabad galyo ay ku xaliso shidada Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mareysa maraaxishii ugu danbeysay ka dib markii ay iyagii isku soo laabteen ka dibna ay birta iska asleen iyaga oo is gaaleysiinaya waxaana alle mahadiis ah ragii u sareeyey amniyaadka Al–Shabaab ay xaqiiqada banaanka soo dhigaan . Ugu danbeytii ayuu Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa Madaxii hore ee Sirdoonka kooxda Al-Shabaab wuxuu u mahad celiyey madaxda DFS  sida wanaagsan ay u soo dhaweeyeen.

Dhinaca kale Hogaamiyihii hore Al-shabaab ee Buuraha Galgala Maxamed Siciid Atam ayaa horay waxaa uu iskugu dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo shir jaraa’id ku qabtay  magaalada Muqdisho waxaana uu ka waramay sababta uu uga baxay Al-shabaab Halkaan ka eeg

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online