Al-Shabaab iyo Suufiyadda iyo been abuurkii ay ka sameeyeen Sh Umal (كبرت كلمة تخرج من أفواههم إن يقولون إلا كذبا Dhageyso)

February 27, 2015 - Written by Editor

sh umalMuqdisho:-Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxay idiin soo gudbinaysaa xaqiiqada Cod uu leeyahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ay maanta  ay Warbaahinta Al-shabaab iyo kuwa Suufiyadda ku faafiyeen Mareegaha ay ku leeyihiin Internetka.

Mid ka mid ah Idaacadaha Al-Shabaab gaar ahaan Radio Al-Furqaan ayaa wax ay ugu yeereen warbixin ay ka qoreen Sh Maxamed Cabdi Umal waxaana ay been abuurkooda cinwaan uga dhigeen ” Sheekh.Umal oo buuq kala kulmay Soomaalida Zaambiya ka dib markuu Fatwooday in laga mid noqon karo Ciidamada Mareykanka.”Halkan ka Eeg

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa alle fadligiis waxaa soo gaaray  Fataawihii iyo Muxaadaradkii uu Sh.Maxamed Cabdi Umal ka jeediyey dalka Zambia gaar ahaan magaalada Ndola oo ay ka soo goosteen codadka Sh Maxamed Cabdi Umal.

Shabakadaha taageera kooxaha suufiyada ayaa sidoo kale waxaa ay faafiyeen qoraal been abuur ay ka sameeeyeen Sh.Maxamed Cabdi Umal waxaana ay cinwaan uga dhigeen ”Fadeexo Waahaabi Umal oo lagu buuqay markuu Nabiga NNKH uu u gafay !

Halgan.net ayaa dhowr mar kashifiyey been Abuurka Warbaainta Al-Shabaab balse waxaa ay is weydiintu tahay Shabaab iyo Suufiyo maxay u wada Faafiyeen beenta Sh. Maxamed Cabdi Umal!

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu socdaal dacwo ku joogay isaga iyo Sh C/qaadir Boobe dalka Zambia iyaga oo muxaadaraad iyo fataawa kala duwan u faa,ideeyey jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Zambia.

Halgan.net ayaa Live u tabineysay muxaadaraadka culumada waxaana ay soo bandhigeysay Masawirada culumada iyo dadweynaha ay u jeedinayeen muxaadaraadka taas oo ay qof walba oo caqli lahi ay arki karto qaabka culumada loo soo dhaweeyey iyo sidda socdaalkooda dacwada ugu riyaaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Zambia .

Haddaba Maxaa ka jira in Sh.Maxamed Cabdi Umal xafidahulaah lagu buuqay ? ama uu u gafay nabigeena maxamed NNKH.

Halgan.net ayaa idiin soo bandhigi doonta Su,aalaha Sh Maxamed Umal la weydiiyey iyo qaabka uu uga jawaabay waxaana kuu cadaan doonta insha Alllaah dhaqan yahuudeed ee Warabaahinta Al-Shabaab la soo baxeen iyo sidda xishoodka looga siibay oo ay u yihiin  حدثاء الأسنان سفهاء ألاحلام

Saxaafadda taageerta ama ku hadasha afka- ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay yihiin kuwa been badan oo aan ka xishoon in ay ku been abuurtaan culimada Soomaaliyeed mana ah wax lala yaabo maadaama howsha ay u hayaan cadawga diinta Islaamka ay tahay in culimada Soomaaliyeed ee diinta xambaarsan la caayo,lagu been abuurto marka danbana  iyagoo Alle u cibaadaysanay oo ku jira salaad casar lagu dhexdilo masjidka gudahiisa.

Haddaba maxaa ka jira in ‘‘Sheekh.Maxamed Cabdi Umal oo buuq kala kulmay Soomaalida Zambiya gaar ahaan magaalada Ndola ama uu Sheekhu Fatwooday in laga mid noqon karo ciidanka Mareykanka Ama uu u gafay Nabigeena Maxamed NNKH ?

Sh Maxamed Cabdi Umal oo dadweynaha uga jawaabay su’aalo ayaa waxaa masjidka ka dhex istaagay mid ka mid ah Dadweynaha oo magaciisa ku sheegay markii danbe Shaafici  wuxuuna uu codsaday in uu Sheekhu weydiiyo su,aalo toos ah ka dib waxaa ku buuqay qaar ka mid ah dadweynaha Maamulkii muxaadarada Sheekh Umal daadihinayey ayaa yiri Su,aasha soo qoro intaas ka dib ayaa Sheekh  Maxamed Cabdi Umal yiri daaya wuxuu rabo ha i weydiiyee.

Shaafici ayaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal weydiiyey Su,aalaha soo socda .

Shaafici:-Waqtgii Cabdullaahi Yuusuf Axmed dowladiisa oo Itoobiyaankuna ay la socdeen waxaad bixisay Fatwo ah in dowladda C/llaahi Yuusuf iyo ciidankii Itoobiya in lala jihaado ay tahay xaq Fatwadaas oo duuban baan hayaa, Markii uu Sh Shariif yimidna waxaad na tiri Shariif ha la daayo wanaag buu soo wadaa ? Inagu waxaan fahansanahay in Cabdulaahi Yuusuf uu kaga roonaa  Shariif oo kurigii Soomaaliya 20 sano cid fariisata la waayey Afweyne ka dib [Waxaa uu ula jeedee Afweyne Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Gen Maxamed Siyaad Bare]  intuu tegay uu ku fariistay dowladdaasna uu dhisay sidaas darteed ay wadaadadii ay qaybsameen oo Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ay dagaalkii sii wadeen halka dowladdii Shariif ee kuriga ku qancay iyo culimadiinii ee Al-ictisaamna  aad  taageerteen fikiga ah in uu is bedel yimid labadaa waaqic maxaa is badala u dhexeeya ?wuxuuna ku doodayey shaafici in Sh Umal Gaaleysiiyey dowladii C/laahi Yuusuf?.Sheekh Umal ayaa siiyey mudo 3maalin ah shaafici in uu keeno halka uu umal ku yiri dowlada C/laahi Yuusuf waa gaalo balse ma keenin Shaafici.

Shaafici:– Ayaa waxaa kale oo uu weydiiyey Sheekh Umal Muxaadaraadkii uu ku qabtay Nairobi ee uu uga hadlay Difaaca Nabiga iyo dhacdadii ka dhacay Faransiiska  ,waxaa kale uu Shaafici sheegay in Sheekh Umal nabiga ku sheegay in uu lahaa Injir qandhicil iyo wasakh waxaan ka dhageystay buu yiri Cajal Sh Maxamed Umal uu leeyahay ,Cajiib  walaalka ayaa su,aashiisa sii watay isaga oo yiri Sh Umal waxaa tiri hantida ha la difaaco Nairobi 2007  Difaaca Nabiga NNK H sow xaq maaha in la difaaco  Sheekh nimanka u dhintay Nabiga NNKH  waxaan rabnaa in aad naga qanciso.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dadweynaha u sheegay in ay masjid fadhiyaan oo aysan buuqin isaga Sheekhu diidanaa in lagu buuqo walaalkii Su.aalaha weydiinayey intaas ka dibna uu si xor ah su,aalahiisa u weydiiyey Sheekh Umal.

Hoos  ka Dhageyso Su,aalaha walaalka Shaafici uu weydiinayo Sh Maxamed Umal oo markii dadweynaha ay ku buuqeen uu u fasaxay Sheekha

[audio: https://halgan.net/Mp3/Su’aalshaafici.mp3]

ama Halkan Mp3

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa su’aalihii la wiidiiyey ka mid ahaa su’aashaan soo socota oo ah

” Sheekh haddii adigoo Islaam ah aad ka mid noqotid Askari ka tirsan Ciidanka Maraykanka ka dibna laguu diro wadan Muslimiinta gaar ahaan Soomaaliya , Ciraaq haddana aad ku dhimato Maxaad tahay ? Ma Gaal baad tahay ? Mise Munaafaqa ? Wuxuu sii raacshay su’aalshiisa Sheekh Haddii qof Nabigeen Maxamed Naxariis iyo Nabadgeliyo korkiis ha ahaatee uu caayo haddi aad disho maxaad noqonaysaa. ?

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa si kaftan ah waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay markii aad askar Maraykan ah noqtaan baan Su’aalsha ka jawaabayaa , Ma askar Maraykan ah baad tihiin ? Sh Umal ayaa yiri ” Maxaad ii waydiin weydeen xukunka  qofka ka ma mid noqda ciidanka dalka Zambia oo aad ka doonteen Maraykan, mise meel maag baad leedihiin oo meel baad u socotaan ”

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa yiri ” Wax u dhexeeya ma jiraan in aad Askari iyo ciidan ka noqotid Maraykan, Ingriiska , Zambia ,iyo dalka Kenya , Intaas a dib ayaa waxaa uu Shiikhu uu soo bandhiga Aqwaalsha culimada Islaamka ay ka yiraahdeen.

Sh.Umal ayaa ugu danabayn sheegay in qofkii xitaa askari ka noqda dalalka aan Muslinka ahayn ka dibna loo diro wadan Muslin uu ka haro hadii uu ka hari waayo uma banaana in uu dilo qof Muslin ah sidda aysan ugu banaanany kooxaha hubaysan oo Al-shabaab oo kale ah in qof Muslin ah ay aabi ku dilaan.

Hoos ka Dhageyso Sheekh Umal oo ka Jawaabaya Qof Muslin ah ma qeyb gali karaa Ciidamada wadamada Gaalada Sheekha ayaa tafsiiliyey Muslinka Ciidanka Galaya waa keen!

[audio: https://halgan.net/Mp3/ciidan_mareykan.mp3]

Ama Halkan Mp3

Sidoo kale Sh.Maxamed Cabdi Umal waxaa la wiidiiyey in ay banaan tahay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada gaaladaha ee ay wato lala galo dagaal maadaama ay keeneen xukun aan kii Alle ahayn oo ah Dastuur, iyo in dhiigooda banaan yahay dadka madaxda ah ee wata gaalada. ?

Sh.Maxamed Cabdi Umal aya ku bilaabay hadalkiisa horta Dastuur waa kan Alle waxaan loobaahan yahay in qof walba inta awoodiisa ah uu ku dhaqmo diinta intaas ayuuna ku yahay Mukalaf, Sh Umal ayaa dadweynihii dhagaysanayey muxaadarada waxaa uu tusaaleeyey in maanta awood dadka Muslinka ah ay yar tahay oo xitaa Dowladdihii Islaamka aysan ku dhawaaqi karin ku dhaqanka shareecadda.

Hoos ka Dhageyso Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka jawaabay xukunka madaxada DFS ?iyo ciidanka Shisheeye ee ku sugan Soomaaliya?

[audio: https://halgan.net/Mp3/Su,aal_dfs.mp3]

Ama Halkan Mp3

Warbaahinta Al-Shabaab kaligood muslin ayaa dhaqan ka dhigtay in ay culumada ku sheegaan in ay gaalada u shaqeeyaan Haddaba yaa gaalo u shaqeeya oo umadii Muslinka ahayd qarxiya maalin walba oo dhiigooda baneystay?yaa laayey culumadii Soomaaliyeed?yaa Laayey ragii Al-Shabaab u sareeyey ?yaa laayey Ragii dowlada Mareykanka ay lacagta malaayiinta duldhigtay sida Abu Mansuur Al-Amriki?

Yaa diyaaradaha ku hagay Nabhaan,Fasuul,Bilaal barjaawi iyo markii ugu danbeysay Amiirkoodii Axmed Godane ? Yaa isku dayey in uu dilo Zakariye Ismail oo hada isku dhiibay DFS  ?yaa wili baacsanaya Abu Mansuur Roobow ? Yaa Sh Xasan Daahir Aweys ,Abu Yaasir ,Maxamed Cali ka baacsaday Degmada Baraawe Maxamed Saciid Atam yaa ka soo baacsaday Galgala?.

Been Abuurka Warbaahinta Al-shabaab taageerta ama kuwa ku hadla afkood ayaa ah wax tirada ka batay oo aan la soo koobi karin iyaga oo dhaqan ka dhigtay in ay soo jarjaraan hadalada culumada iyaga oo aan fahmin fataawaha culumada oo ah kuwa ay kala duweyso wakhtiga iyo samanka balse waxaa ku xaqiiqoobay warbaahintooda hadalii rasuulka NNKH uu ku sheegay khawaarijta حدثاء الأسنان سفهاء ألاحلام

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online