Al-shabaab kaliya maxaa laga rabaa soomaali adduunka oo dhan baa lugu laayaaye ?

February 24, 2015 - Written by Editor

Sh Axmed CabdisamadShacabka Soomaaliyeed meel uu joogaba muddo dheer dil iyo dabargoyn baa ku socotay xataa Al-shabaab oo aan joogin. Magacyada dabargoyntaas way kala duwanyihiin: mar iyagaa is laaya oo waa dagaal qabiil oo qoloba qolada kale ay gumaadayso, dagaal siyaasadeed oo ninka kursiga doonaya ama difaacanaya uusan dadka la safan iyo kuwa ka safan midna u turayn, dil ama dagaal diimeed oo Al-shabaab iyo Ehlu-sunne u dhanyihiin, layn mooryaan, qabqable iyo tuugo.

Dowladaha dariska ayaa xisaab la’aan u laaya Soomaalida ay xukumaan ama u qaxday, Ciidamada Afrikanka ee dalka joogana cidday iyo tiradii ay doonaan bay dilaan, dalalka soomaalidu u qaxdayna dil iyo dhacba way ku hayaa, haba u darnaadeen Koonfur Afrika Iyo Maraykanka. Maraykanku dhinac kale weeraro cirka ah ayuu dalka ka fuliyaa gaar ahaan magaalooyin dadweynuhu daganyahay, wuxuuna sheegaa inuu argagixiso laayey, Al-shabaabna ma sheegaan dadka la xasuuqay, in cid kale sheegtana ma ogola!.

Arrimahaan oo dhan waxay tusayaan in Soomaalida iyo beesha caalamku (ficil ahaan) isku raacsanyihiin in Soomaalida la dabargooyo oo ninkii doonaa laayo, meeshii la doonana lugu laayo, magicii la doonana lugu laayo.

Haddaba su’aashu waxay tahay maxaa dilka iyo xasuuqa Al-shabaab kaliya looga hadlayaa?, soo shaqada ay hayaan maaha tii Soomaali iyo caalamkuba ka wada shaqaynayeen?, ma dil baa dil dhaama, ma qixin baa qixin ka fiican, ma dhacbaa dhac ka duwan?.

Ugu horayn shacabka Soomaaliyeed ma doonayaan in dadkooda oo dhan baaba’aan, raallina kama aha xasuuqa guud ee lugu hayo laakiin qolo walba qolada markaas ay is hayaan bay doonaysaa inay ka cad goosato. Labada markaas is haysa mooyee inta kalena waxay ku dadaashaa inay kala celiso oo dhiigga joojiso.

1- Sababta koowaad ee Dadku uga soo horjeedaan Al-shabaab waa xasuuqa iyo dabargoynta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan laakiin way ku kala duwany ihiin sababaha kale ee diidmada. Tusaale ahaan:

2- wadaadada oo ka mid ah dadka ugu badan ee ka diga marin habowga Al-shabaab iyo gumaadka ay wadaan, waxaa ka hadalsiinaya (difaaca shacabka ka sokow) been-abuurka ay Al-shabaab ka samay nayaan Alle, Rasuulka iyo diinta oo ah dambi ka weyn, kana dheeraad ah xasuuqa; waayo intay qofka dulmi ku dilaan ama xoolihiisa kaga qaataan ayay ku oran: Ilaahay baa ku dilay, rasuulkaa na amray iyo diinta darteed baan kuu dilnay.

3- rag baan af iyo adin midna kaga qaybqaadan joojinta dagaalada sokeeye iyo heshiisiinta qabaa’ilka oo iyaguba shacabka wax ka xasuuqa laakiin kolkii Al-shabaab wax geysato afka qaylo ku shubta. Waxay la mid yihiin inantii tiri: “hooyo illaa iga kicin mayne waad iga kacsaneysey” . Ninkaas beesha caalamka oo dhan baa arrinta ka hadlaysa darteed buu u hadlayaa iyo ha harin.

4- dabcan rag la dagaalanka argagixisada ku ilma-korsadana waa jiraan oo hadday iskaba kala tagaan dabku ka damayo.

5- kolley rag kuraastooda uga baqayana waa jiraan oo danaynaya in laga wada hortago.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad

 

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online