Anaa soo muslimiyey! W/Q Sh. Axmed Dheeli

February 6, 2015 - Written by Editor

Maqaal-300x158Waa gabar wadaad ah oo ay si fudud maskaxda uga xadeen qolyaha takfiirka ah, waxaa allaah siiyey nin dhalinyaro ah oo ay is jecel yihiin oo ay wada dhisteen qoys dadku kuwada kuunyo. Wadaadkii oo safar kasoo noqday xiiso badana u qabay la kulanka iyo soo dhawaynta xabiibtiisa. laakiin markuu soo galay gurigiisa maxaa dhacay?????

Isla markiiba wuxuu la kulmay xabiibtiisii oo ka xijaabatay oo qaylinaysa oo leh : ha iisoo dhawaan!!!!! Muslim ma tihid!!!!!! gaal baad tahay!!! iyo ereyo kasii qalafsan.

Wadaadka oo ahaa nin dhalinyar laakiin Allaah u hibeeyey maskax ayaa markiiba gartay meesha laga soo galay, wuxuuna si degdeg ah ugu yiri , walaal aan soo islaamee, maxaan sameeyaa? waxay ugu jawaabtay soo qubayso aan tawxiidka kuu qabtee. asna wuu sameeyey sidii ay u sheegtay. sidaas ayeyna mushkiladii ku xalisantay.

Ayaamo kadib ayey lasoo xariireen qoladii awalba dhibka ka danbaysay, waxay ku yiraahdeen: naa ma ridawday? maya ayey ku jawaabtay ayadoo yaaban! oo maxaad gaalka u xaraysatay? ayey si caro ku jirto u yiraahdeen. maya walaal anaa muslimiyey ayey tiri.

Kama ay aqbalin musliminteedii maxaa yeelay muslim uma arkaan cid aan sheekhoodu muslimin. sidaasaana gabadhii Allaah ku badbaadiyey.

W/D: Sh. Axmed Dheeli

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online