Daacish oo ku sheegay Abu Maxamed Al-Maqdasi Nin la Shaqeysta Sirdoonka Urdun iyo Mareykanka [Daawo]

February 26, 2015 - Written by Editor

Abu-MaxamedKooxda Khawaarijta ee Daacish ayaa weerarka afka ah ku qaadeen wadaadka Abu Maxamed Al-Maqdasi oo ahaa wadaad ku ibtileysnaa caayda iyo Gaaleysiinta culumada waxaana ay soo bandhigeen xiriir dhexmaray mid ka mid ah culumada Daacish iyo Abu Maxamed Al-Maqdasi.

Kooxda Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam [Daacish] ayaa ku eedeysay Abu Maxamed Al-Maqdasi in uu la shaqeysto sirdoonka Urdun ka dib markii la soo daayey maalmo ka hor markii ay kooxda Daacish gacanta ku dhigeen duuliye u dhashay dalka Urdun.

Mareego taageera kooxda Daacish gaar ahaa مؤسسة عبوة لاصقة ayaa faafisay wada hadalo dhexmaray mid ka mid ah wadaada Daacish iyo Abu Maxamed Al-Maqdasi waxaana ay cinwaan uga dhigeen كسر الصنم أبي محمد المقدسي iyaga oo soo bandhigay codsi Abu Maxamed Al-Maqdasi u gudbiyey Daacish oo uu ka muuqdo catow aad u daran.

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa uu garwadeen ka ahaa xiriir u dhexeeya kooxda Daacish iyo dowlada Urdun kaas oo lagu doonayey in la dhaafsado duuliyaha dalka Urdun Mucaad al-Kasabeh Sajida Mubarak  iyo Atrous al-Rishawi oo ay daldashay dowlada Urdun markii ay kooxda Daacish nolasha ku gubeen duuliyaha dalka Urdun Mucaad al-Kasabeh.

Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa ka soo muuqday Tv laga leeyahay dalka Urudun isaga oo weerar ku qaaciyey kooxda Daacish kuna tilmaamay beenaalayaal suuro xumeeyey tayaarka Salafiya Jihaadiya .Halkan ka Eeg

Kooxda Daacish ayaa ka jawaab bixisay waxaana ay soo bandhigtay xiriir dhexmaray Abu Maxamed Maqdasi iyo Daacish kaas oo ay ku wada xiriirayeen Barnaamijka Whats App-ka waxaana ay ku dooneysaa codadka ay soo bandhigtay in ay ku rido kuna isaaqaadiso Abu Maxamed Al-Maqdasi in badan ku talin jiray in la isqaadiyo culumada Islaamka.

Hoos ka Dhageyso Daacish oo daaqada kala baxday Abu Maxamed Al-Maqdasi

Dhanka kale dagaalka ka dhex socda taageerayaasha kooxda Daacish iyo Al-Qaacida oo ilmo adeer ah ayaa marya meel heer sare ah oo xasaasi ah waxaana haatan ay qolo walba wadaa sida ay qolada kale saaxada uga saari lahayd.gudaha dalka Suuriyaha warkeedaba daa birta ayey iska asleen.

Abu Maxamed Al-Maqdasi oo ka soo Muuqday TV Urdun kana hadlay Daacish iyo dilkii Mucaad al-Kasabeh [Hoos ka Daawo].

Halkan ka Eeg Abu Maxamed oo baaq horey ugu diray kooxda Daacish

Daacish VS Al-Qaacida W/Q C/Casiis Maxamed

Daacish oo diiday dhamaan Talooyiinkii culumada Taageersanaa Al-Qaacida (Akhriso)

Mareegta uu gacanta ku hayo Abu Maxamed Al-Maqdasi ayaa waxaa lagu soo badhigay risaalooyin lagu difaacayo Abu Maxamed Al-Maqdasi laguna weerarayo kooxda Daacish waxaana ka mid ah qormooyinkaasالتنظيم الأفاك الذي بلغ كذبه الآفاق

Xadgudbka kooxda Daacish ayaa maraya halkii ugu sareysay waxaana ka dheehan kartaa halka uu gaaray xadgudubkooda in mid ka mid ah wadaadadooda oo Khudbeynaya maalin jimcaha uu Yiraahdo hadii Nabi Maxamed NNK uu joogi lahaa wuu na raaci lahaa Hoos ka Daawo Khudbada wadaad ka tirsan kooxda Daacish oo ka khudbeynaya magaalada Riqa sida lagu faafiyey mareego taageeran Al-Qaacida .

Hoos ka Daawo خطيب داعش يقول أنه لو كان النبي محمد صلى الله عليه وسلم حيا لانضم لدولة البغدادي

Sh.C/raxmaan Abyad Xafidahulaah ayaa horey u qabtay muxaadaraad taxo ah oo uu kaga hadlay xad gudubka kooxaha Takfiirka waxaana ka mid ahaa muxaadaraadkaas muxaadaro qiima badan oo uu ugu magac daray Isqaad Culumaa Halkan ka Dhageyso

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online