DFS oo Addis-Ababa kula saxiixday heshiis Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD (Masawiro)

February 26, 2015 - Written by Editor

1Addis Ababa :-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Adan Ibraahim ayaa heshiis sadex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo qayb ka ah  dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalao abaaraha ku soo noq noqda gobolka.

Wasiirka Maaliyada Adan oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in heshiiskaan ka dhigan yahay muhiimada ay leedahay in la dhiso bulshooyin la tacaali kara nolashooda xiliga ay abaaruhu sooo wajahaan.

“In kasta oo aanaan awoodi karin inaa ka hortagno abaaraha marka ay dhacayaan, hadana waxaan xaqiijinaynaa anagoo fulinayna Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha inaan dadka ka caawino dhibaatoyinka  abaaruhu sababaan, heshiiskaan ayaa waxaa uu soconayaa mudo 5 sano wuxuuna dhamaanayaa sanada 2020.

Waxaana iska kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Banagiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD. Barnaamijkaan ayaa  ujeedkiisu yahay in la hubiyo in bulshooyinka u jilicsan abaaruhu ay yeeshaan hab-nooleed la jaanqaadi kara noloshooda caadiga ah” ayuu yiri wasiirka Maaliyada isagoona dhanka kale xusay in dowladda Soomaaliya ay muhimada koowaad siinayso sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu diyaarinayo baahiyaha asaaska u ah nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha oo Soomaaliya ay kala qayb qaadanayso wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD waxaa loo wajahaya sidan hoos ku qoran:
1-In la horumariyo sidii dadka iyo xooluhu u heli lahaayeen biyo iyo ilaalinta  deegaanka lana qaado talaabooyin looga hortagayo xaalufka.
2- in la hormariyo wax soo saarka xoolaha iyo caafimaadkooda lana helo meelo lagu xanaaneeyo inta aan la suuq gayn.
3- in la hormariyo fursadaha haweenka marka loo eego dhanka maamulka biyaha, loona abuuro suuqyo kor loogu qaadayo dakhliga soo gala.

no images were found


4- In la tayeeyo dadka loona samaayo hay’ado kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha iyo xoola dhaqatada.
Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha, waxaana ujeedkiisu yahay in kor loogu qaado nolosha bulshooyinka ku nool dhulka baadiyaha, meelaha ugu badan oo dhibaatooyinka abaaruhu ku soo noq noqdaan oo barnaamijkaan looga fa’idaysanayo ayaa ah dhulka roobabku ku yaryihiin oo dad lagu qiyaasay 800,000 kun oo qof iyo xoolo gaaraya 4,000,000 neef ay u jilicsan yihiin Abaaraha soo noq noqda.

——–Dhamaaad—-

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online