Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka hadlay weerar lagu qaaday Hoygiisa.[Masawiro]

February 27, 2015 - Written by Editor

IMG_0470Boosaaso:- Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa uu saxaafadda uga waramay Weerar iskugu jira bam gacmeedyo iyo rasaas fara badan oo xalay dablay hubaysan ay ku soo weeraray hoyga uu ka deganaa magaalada Boosaaso gudoomiyaha gobolka Bari Cabdi samad Maxamed Galan.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay in dablaydii soo weerartay gurigisa ay iska difaaceen ciidankii ilaalada ka ahaa gurigiisa walow uu ku dhintay weerarka halka askari ka mid ahaa ilaaladii gurigiisa halka mid kalena uu soo gaaray dhaawacmay.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo wax laga wiidiiyey cid ka danbaysa weerar ka xalay lagu soo qaaday gurigiisa ayaa waxaa uu u gaabsaday in falkaas ay a danbeeyaan cid diidan nabadgelayada iyo is dhex galka bulshada ku nool Gobolka Bari isagoo sheegay in wixii faahfaahi ay dib ka soo sheegi doonaan marka baaritaanka uu soo idlaado.

Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobalka Bari Axmed Yusuf Muuse Jaqanaf oo isagna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidanku ay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan dablayda soo weerartay xalay Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan.

Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobalka Bari Axmed Yusuf Muuse Jaqanaf ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay howl galo sameeyey dhacdadii xalay ka dibna ayna jiraan dad badan oo la qabtay oo weli ay ku socoto baaritaan wixii a soo baxa baaritaankaasna dib loo shaacin doono.

Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobalka Bari Axmed Yusuf Muuse Jaqanaf oo wax laga wiidiiyey dhacdooyinkii hore ee ka dhacay Boosaso ayaa waxaa uu xusay in dhacdooyinkaas dadkii geystay la qabtay lana geeyey Maxkamada.

Ciidamada dowladda Puntland iyo Al-shabaab dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen deeganada ku yaala Buuraha Golis, weerarada ka dhac Boosaaso ayaa waxaa ay dadku ka muujinayaa shaki badan cid fulisa ama ka danbaysa walow Al-shabaab ay sheegtaan inta bada weeraradaas.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online