Kafaalo Magazine 2015 oo soo baxay iyo Qormooyin Xiiso Leh (Akhriso)

February 8, 2015 - Written by Editor

forsideNorway:-Kafaalo Magazine 2015 wuu soo baxay, wuxuuna sanadkaan xambaarsan yahay mawduucyo kala duwan, kana badan kuwii sanadihii hore oo loogu tala galay dad badani inay ka faa’iidaan. Si kooban mowduucyadaas waxaa kamid ah:

Tarbiyadda: Qaybtaan lagu soo uruurshay saddex dhinac oo ubadka muhiim u ah
1-Nafaqada jirkooda
2- Dareenkooda shakhsi
3-Sidii labadaas loo dhexdhexaysan lahaa

Arimaha Bulshada & Siyaasadda: Arimaha bulshada sanadkaan waxay ku qottomaan xagga fekerka iyo yoolalka dadka waa weyn ay qorsheyn karaan, waxaana ka mid ah:
1-Aabe balantiis ka soo baxay
2-SYL iyo casharka laga baran karo
3-Erdogan iyo Hogaanka Turkiga.

Ma istaqaan?
1-Taarikhda Diinta: Dhanka taarikhda sanadkaan waxaan ku waraysanaynaa
2-Sh. Maxamed Idriis oo si faahfaahsan nooga warbixinaya yaraantiisi iyo noloshiisa ilaa maanta
3-Ibnu-Haytham oo dunida uga tagey raad lama tirtiraan ah
4-Caafimaadka: Mawduucan oo sanadkaan cusub, waxaa ku hoos jira labo mawduuc oo taabanaya diin, taariikh ahaan iyo cuduradii dhacay sanadkii tagey

Quraanka iyo Sayniska.
Mawduuca sanadkaan ku eegaynaa waxa laga baran karo islafalgelidda waxyaalaha kujira dhulka
Dhaqaalaha: NGO-yada caalamiga ah ee sii fara badanaya iyo kuwo Soomaaliyeed oo aan tiro yareen ayay dad badan isku waydiiyeen dhaqaalo abuurkooda, jawaabtana halkaan kala dhex bixi karnaa.

no images were found

NGO-yadu Ma Dhaqaale Ayay Abuuraan?

Waxaa sanadkaan lagu daahfuri doonaa caasumada Sweden ee Stockholm bisha March 2015 insha Allah. Qofkii doonaya inuu soo gaaro, wuxuu ka soo dalban karaa emailkan km@kafaalo.com.

Halkan Ka Akhriso Kafaalo Magazine 2015 iyo qormooyin xiiso leh Akhriso.

Kafaalo Magazine
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online