Kulan looga hadlay amaanka gobolka Shabeellaha dhexe oo ka dhacay Jowhar

February 26, 2015 - Written by Editor

Jowhar2Jowhar:-Kulan looga hadlayey amaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada  Jowhar waxaana kulankaas ka soo qeyb galay  masuuliinta DFS ee gobolka Shabeellaha dhexe  ,waxgaradka gobalka ,saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Axmed Mayre Makaraan  Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha dhexe ee dhinaca arrimaha siyaasadda ayaa warbaahinta u sheegay  in kulanka looga hadlayey amaanka ee ka dhacay Jowhar lagu lafo guray  sidii kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ka tirsan  gobolka Shabeellaha dhexe  oo ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha dhexe ee dhinaca arrimaha siyaasadda  ayaa mar la weydiiyey weerarada joogtada ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku heyso ciidanka DFS ayaa waxaa uu sheegay in ay dhawaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay howlgalo ka bilaabi doonaa gobalka Shabeellaha dhexe .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online