Mu’asasada alminhaaj oo safar dacwo ku tegay degmada buraan ee gobolka Sanaag (Masawiro),

February 28, 2015 - Written by Editor

IMG_2198Boosaaso:-Maamulka Mu’asasada alminhaaj oo safar dacwo ku tegay degmada buraan ee gobolka sanaag, safarkaasi oo qaatay mudo laba cisha ah ayaa waxaa ku qabsoontay acmaal badan oo dacawi ah , ujeedka safarkaan ay mu’asasadu ku tagtay magaalada buraan ayaa ahaa gudashada waajibka alle ee dhanka dacwada , u gogol xaarida mac-hadka sharciga ee degmada buraan , dhul u helida machadka iyo u kuur gelida xaalada dacwadeed iyo bulsho ee deegaanka buraan .

Mudadii koob nayd ee ay wafdiga mu’asasadu magaalada ku sugnaayeen ayaa waxaa u qabsoontay shaqooyin badan oo ay mid ahaayeen .

Qabashada muxaadirooyin guud , kulanka dhalinyarta, kulan ka maamulka dacwada iyo ducaada , muxaadirada haweenka , dacwa shaarica , kalimaad salaadaha ka dib ah iyo kulan odaaysha iyo maamulka degmada buraan ay la qaateen , dhamaanba qayb ha bulshada ee la la kulmay waxay si weyn usoo dhoway yeen furitaanka mah-hadka sharciga ah iyagoo xusay in baahi weyn loo qabay xili horena la sugaayay furidiisa , intii shaqadaasi socotay waxaa dhul weyn oo 6 qol ka kooban lagu wareejiyay maamulka mu’asasada al minhaaj si looga furo mac-hadka sharciga ah ee magaalada buraan oo lagu balamay in albaabada loo furi doono bisha may 2015 haddii eebbe idmo .

no images were found

Safarkaasi wuxuu kusoo gaba-gaboobay xaflad ay xalay kasoo qayb galeen qaybaha bulshada iyo gudoomiyaha degmada Buraan Botaan Axmed Bootaan oo sheegay in uu yahay ardayga ugu horaya ee is qoraya mac-had hadii eebe idmo bulshadana u sheegay in ay mac-hadka ku wareejiyeen dhismahaas lixda qol ah .
Wafdigaan waxaa ka mid ahaa :
1- Maxamed Cabdulaahi Cabdulle Gudomiyaha Mu’asasada Alminhaaj .
2- Sh Cismaan Max’ud X Dirir Xafiis Dacwada Alminhaaj .
3- Sh Cali Siciid (Cali Maax) .
4- Sh Cawil Cali Ciise .
5- Sh ibraahim Bisle .
6- Ganaacsade Maxamud Siciid Cismaan .
7- Sh Mubaarak Maxamed Cabdulaahi .
8- Saalax ciise Shirbeeye .

Mu’asasada alminhaaj
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online