Nadwo diini ah oo aad u balaaran oo lagu qabtay magaalada Khartuum ee dalka Sudan[Masawiro]

February 4, 2015 - Written by Editor

DSC06278Boosaaso:-Ururka ardayda Soomaliyeed ee caalamiga ah ee dalka Sudaan wuxuu soo qaban qaabiyay nadwo cilmiyeed balaaran oo ay jeediyeen culimo waawayn oo ka yimid gudaha wadanka iyo kuwo ku sugnaa Sudaan.

Kulan cilmiyeedkaas diiniga ah ee aadka u balaaran waxaa ka soo qayb galay boqolaal ardayda iyo aqoon yahanka Soomaliyeed ee ku nool wadanka sudaan , nadwdaan ama kulan cilmiyedkan ayaa lagu gorfay naayay( afkaaraa guracan) ee bulashada sameeya diinteena suubana kana hor imaanaysa iyo qaabkii looga hor tagi lahaa.

Intaas ka dib waxaa afkaartooda ka dhiibtay aqoonyahankii iyo ardaydii kasoo qayb gashay kulanka iyagoona soo dhaweeyey kulamda nocaan ah una mahad celiyeen ilaahay ka sokow culimada martida ugu timi kana codsaday inay ku soo noqdaan mar kale dalka Sudaan si looga faa idaysto .

Culimada ka qayb gashay kulanka waxaa ka mid ahaa:-

1- Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah culimada iyo ducaada caanka ka ah ee Soomaaliya.

2- Sh Mukhtaar Axmed Faarax oo ah gudoomiyaha Mu‘asasda al-minhaaj ee dacwda iyo horumarka faraca Gobolka Nugaal.

3- Sh Maxamuud Sh Axmed Xassan (abu shayba ) oo ka mid ah culimada waa wayn ee dalka Soomaaliya kana tirsan madaxda hayada culimada Soomaaliyeed.

no images were found

Ugu danbayntii culimada ayaa aad ugu mahad celiyay guud ahaan ardayda somaliyeed ee dalka Sudan sidda diiran ee ay u soo dhaweeyeen iyagoona kana balan qaaday inay marar kale haddii Alle idmo ay ku soo noqon donaan Sudan si ay u qabtaan wacyi gelin iyo baraamij kale oo diini ah.

Kulan cilmiyeed diiniga ah ayaa waxaa u soo dhamaaday jawi farxadeed iyo rayn rayn iyo marxabayna ilaahay mahdi ha ka gaadhee.

Xassan Muse Nuux (al-nuxi )
Sudan , Khartuum

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online