Raaf iyo Qabqabasho hor leh ee kooxda Al-shabaab iyo xaalada Maxaabiista

February 27, 2015 - Written by Editor

xarigJilib:-Waxaa mar kale lagu faafiyey baraha internetka ee lagu taageero kooxah hubaysan ee ka tirsan Al-qaacid bayaan Qaylo dhaan ah oo cinwaan looga dhigay ”Qabqabasho hor leh ee kooxda Al-shabaab iyo xaalada Maxaabiista”.

Bayaankaan qaylo dhaanta ah ayaa waxaa lagu faafiyey مركز دراسات قضايا العالم الإسلامي  Waxaan ku faafiyey Mu’ssate Zaylic oo ah Mu’ssat Iclaami ah oo ay gacanta ku hayaan garab ka tirsan ururka Al-shabaab oo taageersan madaxdii hore ee Al-shabaab ee lagu dilay degmada Baraawe gaar ahaan Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan.

Bayaankaan qaylo dhaanta xambaarsan ayaa waxaa lagu sheegay in weli madaxda ururka Al-shabaab ay raaf ku wadaan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab haddiiba lagu tuhmo in ay mucaaradsan yihiin dariiqa lunsan ee Madaxda Al-shabaab waa sidda ku xusan bayaankee, raafkaan ayaa waxaa lagu sheegay bayaanka in uu ka dhacay deegaanada kala ah:-

1.Diinsoor

2.TooraTorow

3. Jilib

4.Baardheere

Bayaanka ayaa waxaa lagu xusay in 7 ka mid ah xubnaha Al-shabaab oo uu ku jiro masuul magaciisa lagu sheegay Saacid oo ahaa Imaan la yaqaan isagoona horay u noqday masuul gacan yare u ahaa Abu Saliim oo ahaa masuulkii Jabhadii ka dagaalamaysay magaalada Muqdisho xiligii Ciidanka Itoobiya ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Bayaanka waxaa waxaa kale oo lagu sheegay in la xiray

1. Maxamed Salaad oo horay Xaakim uga ahaa ururka Al-shabaab Shabeellada Hoose.

2. Xaaris Faray oo Waaliga ka ahaan jiray degmada Baraawe.

3.Sooyaan oo Waaliga ka ahaan jiray Baardheere.

4. Saacid Hogaamiye laga dhex yaqaan Al-shabaab.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in weli ay socoto raafka iyo xirxirka loo gaysanyo xubno ka tirsan ururka Al-shabaab walow intii aan la dilin hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ay jiraan xubno laga soo daayey Xabsiyadda qarsoodiga ah ee Al-shabaab sababo la xiriiro caafimaadkooda oo xumaaday balse ay hadda istaagtay.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu xusay in Ehelada iyo qaraabada xubnaha u xiran ururka Al-shabaab ee ka tirsan ururka loo diiday Ehelkooda in ay booqdaan ama ay kula hadlaan xitaa Teleefanka.

Bayaanka waxaa lagu soo gabagabeeyey in xaalada xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab ee ku xiran Xabsiyadda qarsoodiga ah ay xaaladoodu tahay mid aan laga warhayn.

Ugu danbayntii ayaa ayaa waxaa bayaanka waxaa baaq loogu jeediyey culimada iyo Mujaahidiinta Al-Qaacida in ay ka qayb qaataan siddii loo soo dayn lahaa xubnaha dulmiga ugu xiran Al-shabaab ay saxaafaddana in ay qaybteed qaadato intii loo sacaba tumi lahaa ama la dhiiri gelin lahaa Filimada ay soo saaraan ururka Al-shabaab looguna yeeri lahaa magac muhaajidiinta.

Hoos ka eeg bayaanka lagu faafiyey مركز دراسات قضايا العالم الإسلامي

مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي تقدم بيان عن الإعتقالات الجديدة على يد زبانية ابي الزبير وحالة الأسرى

الحمد لله اللذي بنعمته تتم الصّالحات والصّلاة والسّلام على من لا نبيّ بعده
.
فإنّنا في مركز دراسات قضايا العالم الإسلامي نبّين لأمتنا الغالية والى من يهمّه أمر المجاهدين في الصّومال ما يلي :

1- ان قيادة حركة الشّباب الجديدة قد بدأت في الأسابيع الماضية موجة جديدة من الإعتقالات في كل من القرى القليلة المتبقية بأيديهم مثل دينسور وتوروتورو وجلب وبارديري ليس للمعارضين لمنهجهم المنحرف ، بل لكلّ من يظنون أنه يمكن ان يعارض منهجهم المنحرف ، منهم سبعة اعتقلوا في توروتورو من بينهم الأخ القيادي ساعد(إمام)والمعروف في الساحة الجهاديّة في الصّومال خاصّة وقت الاحتلال الايثيوبي الاوّل إبّان سقوط المحاكم الاسلاميّة وحينها كان الأخ -ساعد-ساعدالأيمن للأخ الشهيد-كمانحسبه-جنرال أبوسليم رحمه الله- مسؤول جبهة مقديشو سابقا، كما اعتقلواالشّيخ محمّد صلاد قاضي ولاية شبيلى السّفلى سابقا ،والأخ حارثة –فري- والي مدينة براوي سابقا ،والأخ سويان والي مدينة بارديري.

2- لا زالت معانات المعتقلين في سجون الحركة مستمرة ، بل ان الإفراجات التي بدأها ابو الزبير قبيل مقتله لبعض الإخوة لأسباب صحيّة قد توقفت ، وتبقى تهزّنا كلمات الشيخ زبير المهاجر وهو يردد الليل كله(“أَلَيْسَ اللَّهُ بِكَافٍ عَبْدَهُ وَيُخَوِّفُونَكَ بِالَّذِينَ مِنْ دُونِهِ وَمَنْ يُضْلِلِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ”)، وتهزنا معانات إخواننا وهم يتجرعون المرارة على يد زبانية أبي الزبير المتبقين.

3- لا زالت الحركة ترفض لأهالي المعتقلين وأمّهاتهم من رؤية أبنائهم او حتى التواصل معهم عبر الهاتف.

4- لا زال مصير بعض الإخوة شبه مجهول ، فمثلا بعض الإخوة نقلوا الى سجن الإنعاش وهو سجن اللذي يقومون بتطبيب الأخ بعد رحلة التعذيب نقلوا مرة أخرى وهو ما يثير فينا القلق على مصيرهم .

وعليه فإنّنا نطالب الأمّة وخاصّة قادةالجهاد وعلمائهم أن تضغط على هؤلاء المجرمين لإنهاء معانات إخواننا المظلمومين ، وحلّ قضيّتهم والسّعي الحثيث لفكّ أسرهم ، ونقول للإعلاميين الى متى تطبلون لأفلامهم وتصفقون لعملياتهم وتقولون عنهم انهم مجاهدون .

أدعوا لإخواننا في سجون الغلاة في الصّومال فهم بأمس الحاجة الى خالص دعائكم .

مركز دراسات قضايا العالم الإسلامي
ربيع الثّاني 1436هــ

Bayaankan ayaa waxaa lagu faafiyey Mareegaha taageera Ururka Al-Qaacida gaar ahaan Mareegtay (شبكة عرين المجاهدين) oo inta badan lagu faafiyo wararka Al-Qaacida iyo Jabhada Al-Nusra oo ka tirsan ururka Al-Qaacida kana howlgasha dalka Suuriya waxaana hogaamiye u ah Abu Maxamed Al-Jowlaani. Halkan ka Ee Bayaanka

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online