Shirwayniii 3aad ee Mu,asasada Al-karam oo shalay ka furmay magaalada Burco.[Masawiro]

February 27, 2015 - Written by Editor

20150226_104825Burco : Shalay oo khamiis ahayd taariikhduna ahayd 07/05/2/1436 waafaq sana 26/02/15 ayaa waxa ka furmay magaalada madaxda gobolka togdheer ee burco shirwaynihii 3 aad ee mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarinta .

Shirka ayaa waxa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socda dhammaan gobollada ay ka shaqaysa mu,asasadu  Al-karam oo kala ah:-

1. Sool

2. Sanaag

3.Togdheer

4.Maroodi-jeex, iyo owdal.

Dhanka kale waxa ka soo qayb galay masuuliyiin salaadiin iyo culimo kala duwan waxaana ka mid ahaa:-

1. Sh Cali Warsame Xasan

2. Sh.axmed c/samed cabdile

3. Sh c/rashiid baaxeer

4. Sh c/qani ow saalax

5. Suldaan Maxamuud Guuleed

6. Sh Cali Mowliid

Cullimada ayaa dhammaantood waxay xooga saareen arrimaha dacwada , walaaltinimada, ikhlaaska iyo in lagu sabro dariiqa dacwada. Shirka wajigiisii koobaad oo ahaa galinkii hore waxaana uu ku soo dhammaaday jawi farxadeed iyada oo la soo bandhigay wax qabad maqal iyo muuqaal iskugu jira oo u qabsoomay mu,asasada sanadkii 2014.

Isla galabta ayaa dib la iskugu soo laabtay waxanay ergooyinku ka doodeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha dacwada iyo kor u qaadkeeda dadan oo uu ka muuqday bisayl dacwadeed ayaa ku dhammaatay jawi is afgarad oo aad u sareya waxna dib loo balamay subaxa jimce in sha alllahu.

Shirka Shirwayniii 3 aad ee Mu,asasada Al-karam ayaa haddii Alle idmo waxaa la filayaa in uu ka soo boxo gunaanadka war murtiyeed loogu tala galay saxaafada oo taabanaya dhinacyo badan oo tabaanay bulshowayn ta soomaliyeed ee muslimka ah .

no images were found

Mu,asasada Al-karam
Burco, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online