Basaas horey uga tirsanaa Ururka Al-Qaacidah oo waraysi siiyey BBC-da.[Daawo]

March 4, 2015 - Written by Editor

bbcLondon:-Aymen Diin oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay Ururka Alqacida ayaa 1998tii waxaa uu noqday basaas ka tirsan Ciidamada Amaanka ee Britain iyo ciidamada sirta ee MI5 iyo MI6. Ayman Diin ayaa wareysi uu bixiyay waxaa ku sifeeyay sanadadii uu ka shaqeenayay Afqanistaan iyo London isagoo ahaa qofka ugu muhiimsan dagaalka ka dhanka ah Islaamiyiinta xag jirk ah. Mr. Diin ayaa waxaa uu ku koray dalka Sacuudi Carabiya.

Ayman ayaa waxaa uu ahaan nin dhalin yaro ah markii uu dalka Yugoslafiya uu kala bur burayay, markaas oo Bosniyiinta Muslinka khatar xoog leh ku hayeen Serbiyiintu. Ayman iyo saaxiibkiis Khalid Al Xaaj oo mar danbe noqday hogaamiyaha Alqaacida ee dalka Sacuudi Arabiya ayaa kuwada biiray mujaahidiinta. Waxaa uu sheegay Ayman in ay waayo arignimadii ugu weyneyd ee uu ebed helo ay aheyd ku biirida ururkaasi.

Markii uu sacuudiga ka tagay waxaa uu howlgalkiisii ugu horeeyay uu ka bilaabay buuraha Bosniya. Waxaa uu tababar Militari la qaatay dad ka kala yimid dalal kala duwan, waxuuna sheegay khibrada iyo aqoonta uu helay waxay aheyd mid aan lagu heli karin kun sanadood.
Colaadii Bosniya markii ay damaaneysay ayaa waxaa uu arkay Ayam in uu isbedel ku dhacay saaxiibadiisii ka dhanac dagaalamayay kuwii bedbaaday, waxay noqonayeen dad ka soo horjeeda Reer Galbeedka iyo wixii uu u taagnaan.
Ayman ayaa sheegay in lagu casumay magaaladda Khadahaar si uu ugu biiro Al qaacida uuna la kulmo shaqsiyan Usama bin Ladin.
Waxaa uu ku sugnaan Ayman xero tababar oo ku taala dalka Afqanistan markii safaaradihii uu Mareykanku ku lahaan Kenya iyo Tanzaniya la weeraray sanadkii 1998dii. Mr. Diin ayaa waxaa uu sheegay in uu daweyn u aaday dalalka Gacanka, waxuuna go’aansaday in uusan mar danbe ku noqon.

Bedelkeedii waxaa uu is arkay isagoo ku jira gacanta ciidamada sirta MI6, markaasi waxaa uu jihaadka howshiisa ku jiray in ka badan afar sanadood, waxaana uu tagay magaaladda London halkaaseyna ka bilaabtay in uu macluumaad bixiyo.
Waxaa uu gacan ka geystay in Reer Galbeedku in ay si weyn u fahmaan ururadda xag jirka ah.

Waxaa uu Ayman shaqsiyan yiqiinay cid walba Usama Bin Laden, Khalid Sheikh Mohamed iyo Abu Zubeida. Todoba bilood markii uu macluumaad bixiyay ugu danbeyntii waxaa uu go’aansaday in uu ciidamada Sirta ku biiro.

no images were found

Hoos ka Dhageyso Basaas horey uga tirsanaa Ururka Al-Qaacidah oo waraysi siiyey BBC-da

Halkaan riix si aad u daawato Waraysiga Hardtalk ee BBC-da ay la yeelatay Aymen Diin

Source:BBC

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online