Dalalka Khaliijka oo ay horeyso Sacuudiga oo dagaal cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta(Daawo)

March 26, 2015 - Written by Editor

Breaking-NewsYemen:-Wararka ka imaanaya magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa sheegaya in ciidamada cirka dalka Sacuudiga ay dagaal cirka ah ku qaadeen xarumo muhiim ah oo ay leeyihiin kooxda shiicada ee xuutiyiinta

Dowladaha Khaliijka ayaa isku raacay in la garab istaago dowlada Yemen oo uu Madaxweynaha u yahay Cabdi Rabi Mansuur Haadi ka dib markii ay kooxda xuutiyiinta diideen in ay wadahadal nabadeed la galaan dowlada Yemen ayna doorteen iyaga oo kaashanaya Xisbiga Mutamaru Shacbi uu gudoomiye u yahay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Col.Cali C/laahi Saalix in xoog kula wareegaan magaalada Cadan.

Dalka Yemen ayaa haatan Cagta saaray loolan dhinaca siyaasada iyo Mandhiqada ah waxaana laga cabsi qabaa in dowlada Iran ay dagaalka si toos ah u soo gasho .

Dowladaha reer Galbeedka ayaa isha ka daawanaya xiisada ka taagan dalka Yemen iyaga oo daaha hoostiisa ka taageeraya kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta.

Diyaaradaha dagaalka ee dalalka Khaliijka ayaa duqeymo kala duwan ka geystay magaalada Sanca waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in diyaaradaha dalka Sacuudiga ay dileen hogaamiyaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda xuutiyiinta .

Hoos ka Daawo Diyaaradaha dalka Sacuudiga oo duqeymaya xarumaha kooxda Shiicada ee Xuutiyiinta

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online