Guddiga Xeer Hoosaadka Ee Baarlamaanka DFS Oo Kampala Uu Uga Furmay Aqoon Kororsi

March 3, 2015 - Written by Editor

DSC_4355Kampala :-Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay aqoon kororsi la xiriira habraaca ugu fudud ee loo mari karo wax ka bedelka iyo dib u eegista had iyo jeer lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Golaha.

Munaasabad kooban oo lagu furayey aqoon kororsigan waxaa ka qeybgalay Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda ee Baarlamaanka, Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan taaba gelineysa ee AWEPA.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo faah faahin ka bixiyey aqoon kororsiga magaalada Kampala uga furmay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka ayaa tilmaamay in Xeer Hoosaadka uu yahay furaha Baarlamaanka islamarkaana mar walba oo Kalfadhiga Goluhu furmayo wax ka bedel iyo dib u eegis lagu sameeyo ayadoo la eegayo qodobbadii saameynta lahaa Kalfadhigii lasoo dhaafay islamarkaana mudada uu tababarkan socdo ee u dhaxeysa 03-07March ay guddigu diiradda saari doonaan qodobbada wax ka bedelka u baahan.

no images were found

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la filayaa in uu soo xero tababarkan oo qeyb ka ah tababarro dhowr ah oo guddiyada Golaha Shacabka ku qaadan doonaan dalka dibaddiisa inta lagu jiro fasaxa caadiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online