Kulan cilmiyeed socon doona 3 habeen oo ka furmay masjidka Al-huda Garowe.[Video] .

March 3, 2015 - Written by Editor

2015-03-02 18.31.01Garoowe:-Kulan cilmiyeed diini ah ayaa ka bilowda xalay masjidka weyn ee Al-Huda Magaaladda Garowe waxaana lagu wadaa in uu socdo mudo saddex habeen ah uu soco doono waxaa culimadu bixin doonan duruus muhiim u ah bulshada waqtigaaan.

waxaana caawa habeen kii 1aad kagalay labada sheekh ee kala ah Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf & Sheekh C/qani Qorane Waxaana qaybta hore galay Sh.Maxamuud Xaaji oo soo jeedshay darsi uu ciwaan ugadhagay . ( فقه الخلاف واصلاح ذ١ت البين) waxaana Sheekhu aad ugu dheeraaday baahida bulshadeenu u qabto in ay barato sida looga hortago khilaafka iyo sida haduu dhaco loo xaliyo.

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Waa in soomaalidu ka tanaasushaa aqliga ah haddaan is qabano waan kala tagaynaa ama muxuu iiga gar helay taas oo sheekhu sheegay in ay tahay waxa Soomaalida halkaas dhigay.

Waxaana sheekhu bulshada ugu baaqay in lagu midoobo kitaabka Allah Iyo Zunada isla markaana qofkii dhib kaga timaado walaalkiis u dulqaato islamarkaana iska cafiyo haddii taas la helo waxaynu gaaraynaa horumar aduun iyo mid aakhiro sheekha oo hadalkiisu u muuqday dardaaran guud ayaa ahaa mid soo jiitay boqolaal dadweyna ah oo kusugnaa Masjidka Iyo kuwa kala socday Idaacada Al-Xikmad Dhamaan Deegaanada Puntland sidoo kale waxaa caalamkoo dhan laga dhagaysanayay www.Halgan.net Qaybtiisa Tooska u tabisa Khayrka.

Waxaa darsiga qaybtiisa danbe galay Sh.C/qani Qorane waxaana sheekhu aad u kala dhigay Mowduuca Ciwaankiisu yahay (الغلو في الدين) mowduucaan oo ahaa mid saamayan weyn ku leh maantay guud ahaan caalamka islaamka gaar ahaan umada soomaaliyeed maadaama ay badatay in qofwalba qofkuu rabo si fudud u gaalaysiiyo waxaana sheekhu tusaale u soo qaatay Daacish iyo Alshabaab oo dhamaan bahwadaag la,ah Al-qaacida waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa xadgudbay waxaa sidoo kale sheekhu tusaale u soo qaatay ninka waalan ee Xasaan Xuseen Aadam oo isagu jeebka ay ugu jirto gaalaysiinta bulshada Soomaaliyeed cilimo iyo caamo waxaana uu sheekhu ku til maamay nasiib daro in arinkaan oo ah mid aad u adag islamrkaana awoodiisu Eebe kaliya uu leeyahay si fudud loo adeeg sado.

Isku soo wada duuboo mudada saddexda habeen ah waxaa ka qay qaanaya Qaybo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed Waxaana ka mid ah Culimada ka qayb galaysa.

1. Sh.Maxamuud Xaaji Yuusf
2. Sh.Axmed Cabbdi Samad
3. Sh.C/qani Qorane
4. Sh.Mukhtaar Axmed Faarx
5. Sh.C/rizaaq Suldaan (Dahabi)

Waxana habeen danbe loo balan san yahay Darsiga 2aad Iyo 2-da Sheekh ee kala ah Sh.Mukhtaar Axmed iyo Sh.Cabdirizaq dahabi.

Hoos ka Daawo darsigii 1aad ee Xalay ka baxay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe

Xafiska warbaahinta
Al-Minhaaj Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online