Kulan Cilmiyeedkii ka socday Masjidka Al-huda ee Garowe oo la soo gabgabeeyey.[Video/Masawiro]

March 5, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-03-05-12h42m39s33[1]Garoowe:-Waxaa xalay oo Taariikhdu ku beegan tahay/04/03/2015 lagu soo afmeeray kulan cilmiyeedkii ka socday masjid ka Al-huda ee magaaladda Garoowe kulankaan oo socday mudo saddex habeen ah, intii uu kulanku socday ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo kale duwan iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.

Xalay oo ahaa habeenkii Saddexaad waxaa muxaadaro qayim ah soo jeedsay Sheekh Axmed Cabdi Samad waxaana sheekhu ciwaan uga dhigay darsigiisa Xadiithkii rasuulka SCW ee ahaa (بَشِّرُوا وَلَا تُنَفِّرُوا)In dadka loo bishaareeyo ee aan ladidin ama diinka lagu dirin waxaana sheekhu aad ugu dheeraaday baahida loo qabo waqtigaan in dadka loo sharaxo diinta looguna yeero lagana hortago fikirada qaloocan.

Waxaana sheekhu intaas ku daray in dadka diinta suura xumaynaya ay iskugu jiraan kuwa islaam sheeganya iyo cadow guud oo isagu waligiis duulaanku ahaa siddii uu islaamka iyo dadkiisa u muuqaal xumayn lahaa.

Hoos ka Daawo muxaadaradii Sh Axmed Cabdisamad Xadiiskii rasuulka SCW ee ahaa (بَشِّرُوا وَلَا تُنَفِّرُوا)

Intaas ka dib waxaa ka hadlay Gabagabada kulan cilmiyeedka Culimo u’wdiin qaybo ka mid ah odaayasha dhaqanka waxayna si wada jir ah u soo dhaweeyeen fursadaan.

Waxaana xaflada soo xiray Gudoomiyaha Golaha fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax isagoo mahad u jeediyey culimadii duruusta ka bixiyay masjidka iyo dadweynihii ka soo qaybgalay waxaana uu cadeeyay ula jeedada dhabtaa ee Mu’asasadu ka leedahay kulamadaan in ay u qabato bulshada ay tahay in dadku bartaan diintooda kana tiktoonaadaan wax walba oo cadow ku ah.

no images were found

Hoos ka Daawo Xiritaanka Kulan Cilmiyeedkii ka socday Masjidka Al-Huda ee Garowe

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada
Al-Minhaaj Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online