Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Shaaciyey Wakhtiga la qabanayo shirka G/Dhexe

March 30, 2015 - Written by Editor

cadaadoCadaado:-Wasiirka arimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxmed Xaji ayaa maanta shaaca ka qaaday goorta uu shirka maamul u sameynta gobolada dhexe uu ka furmayo magaalada Cadaado.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxmed Xaji ayaa sheegay in kowda bisha 4aad uu ka bilaaban doono shirka maamul u sameynta gobolada dhexe magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb .

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxmed Xaji  ayaa sheegay in DFS iyo beesha Caalamka ay horey u shaaciyeen in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qaban doono magaalada Cadaado arinkaasna wax badalay aysan jirin.

Waxgarad iyo Odayaal ku  shirsan Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegay in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe  lagu qaban doono Degmada Dhuusa-mareeb iyaga oo diiday in ay tagaan magaalada Cadaado.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFS ayaa wada dadaal lagu dhameynayo khilaafka ka dhex aloosan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Cadaado iyo Dhuusa-mareeb .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online