Madaxweynaha DFS oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

March 26, 2015 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar shaqo uu labo maalin qaatay oo uu ku tagay degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Dhuusamarreeb waxaan uu u tagay in uu isku dayo in uu xaliyo kala argti duwanaanta siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobalada dhexe waxaana ay isku khilaafsan yihiin halka lagu qabanayo shirka maamulka u sameynta Gobollada Dhexe.

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan iyo ergada Dhuusamarreeb ay isku af garan waayeen halka rasmiga ah ee lagu qabanayo shirka maamulka u sameynta Gobollada Dhexe.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey in shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe lagu qabto magaalada Cadaado halka ergada ku sugan Dhuusa-mareeb ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online