Madaxweynaha DFS oo la filayo in uu gaaro degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud

March 24, 2015 - Written by Editor

xassanDhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa la filayaa in uu goordhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud waxaan halkaas ku sugaya masuuliin ka tirsan maamulka gobalka Gal-gaduud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Diyaaradii  qaadi lahayd wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ay ku  soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, dhinac kale magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad loo adkeeyey amaanka guud ee magaalada iyo gaar ahaan garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dhuusa Mareeb.

Shacabka ku dhaqan Degmada Dhuusamareeb oo ay horkacayaan masuuliin ka tirsan gobalka Gal- gaduud oo u horeeyo Cirfo gudoomiyaha gobalka Galgaduud ayaa ku jira qaban qaabo ay ku soo dhaweynayaan wafdiga madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud.

Socdaalka Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xili maalinta beri ah la soo xiri doono shirkii dib u hishiisiinta  ee beelaha ee ka socdya magaaada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud iyadoo shirka lagu gudoomiyey in shirka maamul u samaynta Gobollada dhexe lagu qabto degmada Dhuusamareeb taas oo khilaafsan go’aankii dowladda Federaalka oo aaa in shirka maamul u samaynta gobollada dhexe lagu qabto degmada   Cadaado

 

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online