Madaxweynaha DFS oo wili kulamo la leh waxgaradka iyo Odayaasha G/ dhexe (Masawiro)

March 25, 2015 - Written by Editor

7Galgaduud:-Wararka ka imaanaya magaalada dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in wili madaxweynaha DFS uu kulamo kala duwan la leeyahay waxgaradka iyo Odayaasha ku sugan Degmada Dhuusa-mareeb .

Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan Degmada Dhuusa-mareeb ayaa waxa halkaas uga socday shirka dib u heshiisiinta gobalada dhexe waxaana ay madaxweynaha ka codsadeen in shirka Maamulka loogu dhisayo gobalada dhexe loo soo wareejiyo Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee gobalada dhexe in ay tagaan magaalada Cadaado halkaas oo ay balantu ahayd in lagu qabto shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe balse waxaa arinkaas ka biyo diidan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka gooni gooni ula shiray Ugaasyada iyo waxgaradka ku sugan Degmada Dhuusa-mareeb waxaana kulamadaas banaanka ka joogay warbaahinta ilaa haatana lama yaqaan wax kulamada looga hadlay ama ka soo baxay.

no images were found

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobalada dhexe ayaa isku khilaafsan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobalada dhexe waxaana madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku mashquulsan yahay in xal laga gaaro kala aragti duwanaanta ka jirta gobalada dhexe.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online