Madaxweynaha PL Dr.Cabdiweli Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Magaalada Kismaayo[Cod/Masawiro]

March 3, 2015 - Written by Editor

24Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-3-2015 u ambabaxay magaalo Madaxda maamulka Jubbland ee Kismaayo.

Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Isimo, Xildhibaano , Waxgarad ayaa qeyb ka ah wefdiga uu hogaamaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo casumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku sii dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad , Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

” Waxaa maanta farxad weyn noo ah wefdi aan hogaaminayo oo ka kooban Golayaasha Dawladda iyo isimada Puntland in aanu u ambabaxayno magaalo madaxda Jubbaland ee kismaayo, waxaana u soconaa inaanu adkayno xiriirka u dhaxeeya labada dawladood Puntland iyo Jubbaland” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubbaland ay ku midaysan yihiin adkaynta midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed si looga baxo dhibka muddo badan soo jiitamayey ee kajira Soomaaliya.

” Dawladda jubbaland iyo madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaan la yeelan doonaa kulamo wada tashi ah waxana rajeynaynaa in socdaalkayagu uu ku soo dhamaado guul kana soo baxdo waxdan u ah umadda Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay u jeedka Socdaalkiisa Kismaayo

[audio: https://halgan.net/Mp3/Gaas.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online