Madaxweynaha PL oo ka qayb galay barmaamij ay shacabka ku wiidiinayaan su’aalo laguna qabtay JBA ee Garoowe[Cod/Masawiro]

March 31, 2015 - Written by Editor

IMG_3692Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-3-2015 hoolka jaamacada Bariga Afrika ee Garoowe kaga qeyb-galay Barnaamij ay dawladda Puntland soo qaban qaabisay oo shacabka reer Puntland si toos ah su’aalo ugu waydiinayeen Madaxweynaha.

Barnaamijkaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Waxgarad, Aqoonyahan, Ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee Puntland , Haween , Siyaasiyiin , Dhalinayaro iyo masuuliyiin kala duwan .

Halkudhiga Barnaamijka ayaa ahaa ” Oraahda Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee arrimaha Siyaasadda, horumarinta iyo amniga ”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysey oo uu ka jeediyey madasha diirada ku saaray saddex arrimood oo kala ah Siyaasadda, Amniga iyo Horumarinta Puntland.

”Amniga iyo kala saraynta sharcigu waa muhiim, waana waajibka dawliga ah ee koowaad, dawladdnimadu waxay ka bilaabataa sarraynta sharciga waxayna ku dhammaata sarraynta sharciga ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xukuumadiisu ay ku dedaashay mudadii ay jirtay tayeynta ciidanka amniga oo uu ugu horeeyo ciidanka Booliska Puntland, waxaana isbadel lagu sameeyey tababar siinta ciidanka, hubka iyo dhammaan agabka ciidan ee Booliska guud ahaan Gobolada Puntland.

” Ciidanka Boolisku malahayn hub dawladeed, mana lahayn gaadiid dawladeed oo ku filan laga bilaabo caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe ilaa tuulada u dambaysa ee dhulka Puntland, marar badan ayaan is iri tolow sidee ciidankani amniga u sugi karaan hadii aysan haysan agabkii ay ku howlgeli lahaayeen hadase ilaah mahadi meel fiican ayey wax noo marayaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas,

Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas waxaa uu qeexay in siyaasadda Puntland ay ku dhisan tahay isixtiraam iyo isqadarin iyadoo xaquuqda ay Puntland ku leedahay Soomaaliya aan gorgortan laga gelayn.

” Dawladnimo waa hashiis bulsho waxaan xaq u yeelanaynaa in aan dib u eegis ku samayno hashiiska, dastuurakayaguna waa noo ogol yahay, cidii wanaag nagula dhaqanta waan soo dhaweynaynaa, cidii shiddo nala soo aadana waan iska dhicinaynaa ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Waxaan mar dhow fidinaynaa gogol ay isugu imaan doonaan bulshaweynta Puntland, shirkaas waxaa lagaga hadlayaa sidii puntland ay aayaheeda uga tashan lahayd, midnimadana u xigsan lahayn, ujeedada shirku waa in la saxo wixii khaldamay, wixii inoo hagaagayna aan horay uwadno, wixii inaga dhimanna aan kaalinteeda buuxino, PDRC ayaa qaban qaabada shirka gacanta ku haysa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Dhammaan dadweynihii ka soo qeyb-galay kullanka ayaa su’aalo kala duwan weydiiyey Madaxweynaha markii uu dhameeyey khudbadiisi , su’aalihii ay shacabku waydiiyeena dhammaantood waa uu ka jawaabay Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Ka soo qeyb-galayaashi Barnaamijka ayaa si farxadi ku dheehan tahay ugu mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shacabkiisa inta uu soo hor fariistay la wadaagay dareenkooda, waana tallaabo ku dayasho mudan.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo su’aalihi la wiidiiyey
[ Source Horseed Media]


-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online