Madaxweynaha PL oo xariga kaga jaray waddo cusub oo laami ah dhererkeeduna dhan yahay 2-Km.[Masawiro]

March 29, 2015 - Written by Editor

IMG_2365Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-3-2015 Magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland xariga kaga jaray wado laami ah oo dhererkeedu dhanyahay 2-km, laguna magacaabo jidka 30-ka.

Wasiiro  katirsan xukuumada Puntland, Isimo, Waxgarad, Haween ku labisanaa dhar laga tolay calamada Puntland iyo Soomaaliya, dhalinyaro iyo qaar kamid ah dadweynaha ku nool xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Garoowe ayaa ka soo qeyb-galay xafladda xariga looga jarayey wadadaa cusub ee laamiga ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu xariga kajaray kadib sheegay in wax lagu farxo ay tahay in maanta uu xariga kajaray wadadaan oo uu dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2014 uu dhagax dhigay, qeybna ka ah waxqabadka xukuumadiisa.

” Jidadku waxaa ay ka qeyb qaataan amniga dalka, jidkaan waxaa uu sidookale badalayaa isu-socodka gaadiidka iyo dadka waana muhiim ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Puntland ay Gobolada Dalka Soomaaliya intooda badan kaga duwan tahay maanta nabad-gelyada iyo horumarka balaaran ee ka soconaya, shacabka Puntland waxaa uu ku booriyey in amnigooda ay adkaystaan.

” Horumarka iyo amnigu waa isku xiranyihiin , meelaan amni kajirin horumarna kama jirto marka amnigu waa furaha horumarka, cidkasta ayuuna xilka saaranyahay waana in si wadajir ah amniga looga wada shaqeeya ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in hirgelinta wadooyinka laamiga ah ay sidookale ka socdaan guud ahaan Gobolada Puntland, waana tallaabo lagu soo afjarayo baahida loo qabo in wadooyin laami ah laga hirgeliyo magaalooyinka Puntland.

” Waxaan ogahay in dadka Puntland ay yihiin dad soo dhaweyn fiican, waana dad ay dadka Soomaaliyeed oo idil u siman yihiin, dad badan oo Soomaali ah ayaana Puntland jooga kuna haysta nabad iyo nolol wanaagsan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Shacabka Gobolka Gardafuu ee Puntland ayuu Madaxweyne Gaas ugu bishaareeyey in hada uu Gobolkaasi u diray koox qiimaynaysa waxa ku baxaya fulinta wado looga baxayo waddo xumida kajirta Gobolkaasi.

Wadadaan cusub ee laamiga ah ayaa waxaa ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka caasimada dowladda Puntland ee Garoowe, waana wadadii sideedaad ee uu Madaxweyne Gaas xariga kajaray mudadii uu hogaanka Puntland hayey.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online