Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas oo la qaxweeyey shacabka magaalada Garoowe.[Masawiro]

March 29, 2015 - Written by Editor

2Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-3-2015 u shaah tagey meherada Kallis oo kamid ah goobaha inta badan ay bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan caasimada Puntland ee Garoowe u shaah tagaan xiliyada gelinka hore iyo gelinka dambe.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ay wehliyaan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakil ciidan iyo saaraakiil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ayaa muddo saacado ah si kalsooni kujirto ugu qaatay qeyb kamid ah wakhtigooda.

Tallaabadaan wanaagsan ee uu qaaday Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muujinaysa nidaamka iyo nabad-gelyada wanaagsan ee ka jirta gudaha Puntland.

Waxaa dunida ku yar in Madaxweyne inta uu Meherad dadweynuhu isugu yimaadaan uu tago hadana si kalsooni kujirto ugu qaxweeyo halkaas, balse waxaa taas ay kahirgashay Puntland , waana tallaabo kudaysho mudan oo uu horay u qaaday Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online