Muxaadaraadkii laga jeediyey Nadwo Cilmiyeed ka socota Masjidka Al-Huda Garowe (Vedio+Masawiro)

March 4, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-03-04-06h53m33s235Garoowe:-Waxaa caawa oo Taariikhdu tahay 4/4/2015 galay habeenkii labaad kulan cilmiyeed kii kasocday Masjidka Weyn ee Al-Huda Magaalada Garowe kulankaan oo ahaa mid xiriir ah ayaa caawa galay habeen kiisii labaad waxaana caawa kabaxay masjidka Labo darsi waxaana kuqornaa sidii horay loo iclaamiyay labada sheekh .Sh Cabdi Rizaaq Suldaan Dahabi Iyo Sh Mukhtaar Axmed Farax .

Waxaana darsiga qaybtiisa hore galay Sh Cabdi rizaaq Dahabi waxaana sheekhu Dul istaagay Aayad kamid ah ayaatka Qur’aanka ka kariim kaa (والدين اوتوا العلم درجات) waxaana sheekhu sheegay in qofkii eebe cilmi siiyay uu yahay qof uu siiyay aduunkoo dhan waxaana uu bulshada oo dhan ugu baaqay in ay bartaan Cilmiga diinigaa waana kaas kan lagu gaarayo horumar aakhiro iyo aduunayuu raacshay sheekhu .

Waxaana sheekhu bulshada qaybaheeda kalduwan kudhiiri galiyay in ay waqtiga ay haystaan kafaa iidaystaan waxaana uu kutilmaamay waqtiga in uu yahay hantida qofku haysto waxa ugu qaalisan .

Darsiga qaybtiisa labaad waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Sheekha oo isna dhankiisa kuqornaa Ciwaanka ah (Xaqiiqada Shiicada) Sheekha oo kamid ah culimada wax kaqoray Shiicada ayaa ku dheeraaday in uu kalasaaro qaybaha ay kakooban yihiin Shiicadu iyo waliba waxay kala aamin san yihiin iyo dhaqamadooda .

no images were found

Sheekha uu bulshada usoo bandhigay caawa darsi aad loo wada sugayay waxaa uu kahadlay Shiico waxay aamin san yihiin iyo awoodaha ay maanatay kuleeyihiin dunida islaamka waxana uu sheegay sheekhu in ay lawareegeen Dowlado badan oo Zuniyiintu katalin jirtay waxaana sheekhu Xusay Wadamada Ciraaq Iyo Yaman islamarkaana waxaana sheekhu kadigay in maantay ay ku soo badanayaan soomaaliya iyagoo waliba Xafiisyo kafurtay muqdisho .

Mar sheekhu kawarbixiyay shiicadu sida ay maanatay ugu soo qulqulayso soomaliya geesaheeda ay tahya waxaan lasuuraysan Karin waxaana loobaahan yahay iyadoo lamidaysan yahay in laga hortago fikirkooda guracay .

Hoos ka Daawo Darsigii 2aad ee Nadwada ka socta Masjidka Al-Huda magaalada Garoowe

Hoos ka Daawo Muxaadarada Sh Mukhtaar uu kaga hadlay Shiicada iyo Khatarteeda Masjid Al Huda Garowe Masjid Al Huda Garowe

Xadgudubka Diineed iyo Khatartiisa Sh Cabdi Qani Qorane Maxamed.

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online