Nabadoon iyo Afadiisa oo lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay

March 31, 2015 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Wararka ka imaanaya  magaalada Baydhabo ee xarunta  gobalka Bay ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan ay xalay  ku dileen Malaaq Cali Cabdi Iidow iyo Afadiisa magaaladda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Nabadoonka iyo Afadiisa ee lagu dilay magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab kuwaas oo dilal u geysta waxgaradka  iyo haldoonka umada Soomaaliyeed.

Malaaq Cali Cabdi Iidow iyo Afadiisa  ayaa waxaa lagu dilay Xaafada Boqoleeyda Magaalada Baydhab waxaana goobta ka baxsaday kooxda dilka geystay.

Allaha u naxariistee Malaaqa la dilay ayaa wuxuu ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Baydhabo ee wax ka soo dhisay  Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya .

Nabadoonada iyo Malaaqyada  magaalada Baydhabo ayaa si adag u canbaareeyey dilka Malaaq Cali Cabdi Iidow iyaga oo dilka ku tilmaamay mid waxshnimo ah oo ka fog diinta Islaamka waxayna ugu baaqeen shacabka ku dhaqan Bay iyo Bakool in ay meel uga soo jeesteen kooxha gumaadaya  ku haya haldoorka umada Soomaaliyeed.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online