Olole lagu baraarujinayo Ardayda Iskoolada oo Mu’asasada Al-minhaaj wado.[Masawiro]

March 26, 2015 - Written by Editor

20150308_074813Boosaaso:-Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta ayaa todobaadadii la soo dhaaafay waday olole lagu wacyi galinayo, da’yarta dhigata Iskoolada magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Ololahaan oo mudo usbuuc ah socday ayaa u jeedooyinka laga lahaa waxaa ka mid ah:-

1. In laguto waajibka dacwiga ah.

2. In dhalinyarta iyo da’yarta soo koraysa laga wacyi galiyo loogana digo Khataraha fitanta iyo dhibaatooyinka jira.

3. In ardayda lagu wacyi geliyo dhaqanka wanaagsan loogana digo dhaqanka xun.

4. In ardayda lagala hadlo balwadaha xun xun.

5.In ardayda lagu dhiiri geliyo u diyaar garawga imtixaanka Shahaadiga ah ee midaysan ee sugaaya fasalka 4aad ee Dugsiga dhexe iyo kan 4aad ee Dugsiga sare.

6. In la dhiiri galiyo maamulaasha iskuulada iyo macalimiinta lagalana qayb qaato culayska tarbiyeynta da’yarta.

Waxaa dhacay asbuucan 11 booqasho oo dugsiyada sare iyo hoose dhexe ah waxaa ka mid ahaa iskuulada la tegay asbuucan Najaax sare , Shaafici qaybta wiilasha iyo qaybta gabdhaha , Najaax hoose dhexe , Daarul biri , Bandar qaasim qaybta dugsiga sare , Cusmaan binu cafaan , Bander qaasim hoose dhexe , Daarul qur’aan , Umul quraa .

Culimada ka qayb qaatay ololahan waxaa ka mid ahaa :-

1. Sh Mahad Cabdulaahi .

2. Sh Axmed Faarax Dheeli .

3. Sh Siciid Cusmaan Yuusuf .

4. Sh C/shaafi Axmed Cali .

5. Sh Mukhtaar Axmed .
6. Sh Ibraahim Bisle Maxamed .

7. Xasan C/ laahi Xasan .

8. Ciise Siciid Maxamed .

Ololahani ma ahan kii ugu horay e waxaa ka horay kuwa badan oo ay ugu danbayeen kii qaad diidka iyo waliba kii la dagaalan ka qabyaalada iyo u hiilinta Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabed gelyo korkiisa aha ahaatee .

no images were found

Xafiiska warbaahinta guud
ee Mu’asasada Al-minhaaj.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online