Ra’iisal wasaaraha DFS oo ka qayb galay Salaadda Jinaasadda ee Danjire Yusuf Baribari.[Masawiro]

March 29, 2015 - Written by Editor

baribariMuqdisho:-Muqdisho, 29, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, xildhibaano, iyo masuuliyiin dowladda ah ayaa ka qayb galay Jinaaso maanta loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aden Cade Marxuum Yusuf Ismacil Bari Bari, oo daraad u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii kooxda argagaxisadu ku qaadeen hoteel Maka-Al-Mukarama.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ku sifeeyey Marxuumka inuu ahaa muwaadin u taagnaa ilaalinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya, isla markaan ku faani jiray Soomaalinimada, ilaalina jiray xuquuqda dadka la takooro.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowalda Soomaaliya Cabdulqadir Sh. Cali Baqdaadi oo saxaafda kula hadlay garoonka jinaasada ka dib, ayaa sheegay inuu dhintay Marxuum Bari-Bari isagoo u shaqaynaaya shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay qoyskii uu ka baxay iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed inuu Ilaahay samir iyo imaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Bari-Bari, Ilaahay SWT janadiisa ka waraabiyo.

Maydka Marxuumka ayaa waxaa sii raacay xubno dowladda ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullahi Axmed Ilka-Jiir, Xildhibaano, Xubno ka tirsan qoyskiisa, iyo dad ay qaraabo yihiin, waxaana lagu wadaa in galabta lagu aaso magaadalada Garoowe.

no images were found

—DHAMAAD—

 

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online