Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa maanta magacaabay gudiga dar-dar galinta shuruucda udub dhexaadka u ah higsiga 2016

March 26, 2015 - Written by Editor

unnamed.Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, waxaana looga hadlay Amniga dalka, Guddiga dib u eegista Shuruucda saldhigga u ah higsiga 2016 iyo Arrimaha warbarashada dalka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha Daa’uud C/kariin Cumar wuxuna sheegay amniga magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka uu yahay todobaadkan mid soo hagaagayay kadib markii la qaaday tallaabooyin lagu sugayo amniga Qaranka, wuxuna xusay in gacanta lagu soo dhigay Horjooge ka tirsan Kooxda Al-shabaab kaas oo howl-gallada Muqdisho u qaabilsanaa.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadro Bashiir Cali, waxana ay sheegtay in ay Wasaaraddu ku howlan tahay dadaallo ku aadan sidii dalka oo dhan looga qaadi lahaa Imtixaan mideysan, kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo daladaha ka jira dalka si looga gudbo wax walba caqabad ku noqon kara waxbarashada dalka.

Sidoo kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-habayn lagu sameeyo xerooyinka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gobollada dalka, iyadoo loo xil saaray arrintaas guddi uu madax u yahay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xasan Cali in ay soo qiimeeyaan baahida ka jirta xerooyinka ay Ciidamaddu leeyihiin ee ku yaala qaar ka mid ah gobollada dalka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay guddiga dar-dar gelinta sharciyada muhiim ka u ah 2016, sharciyadaas oo isugu jira kuwa hadda la abuuri doono iyo kuwii horey ansixiyay, waxana guddiga arrintaas loo xil saaray madax u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte. Waxyna ka koobnaan doonaan wasaaradaha Cadaladda Arimaha Gudaha, Gashaandhigga, Qorshaynta, Dastuurka, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru dowlaha Xariirka Baarlamaanka ee XRW iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada.

—DHAMMAAD—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mugadishu-Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online