Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka qayb galay kulan looga hadlayey Hiigsiga Cusub.

March 3, 2015 - Written by Editor

81Muqdisho:-Shirkan ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee uu shir guddoominaye Dr.Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlayey dardargelinta qorsha barnaamijka New Deal ama Hiigsiga cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen wadamada deeq-bixiyeyaasha ee barnaamijkaasi taageero iyo guddiga Xukuumadda ugu xilsaaran howshaasi oo ay hormuud ka tahay wasaaradda Qorsheynta, kuwaas oo ka kooban todoba wasaaradood.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte, ayaa warbaabinta Qaranka la hadlay shirkaasi markii uu dhammaaday kaddib, waxa uu sheegay in u jeedada kulankaan uu ahaa sidii loo dardargelin lahaa hannaanka qorshaha New Deal-ka ama hiigsiga cusub, waxa uu intaa raaciyey in si qota dheer looga dooday sida lo amba qaadi karo qorshan, iyadoo deeq bixiyeyaasha loo gudbiyey doorka hoggaamineed ee dowladda.

Wasirika Qorsheynta iy Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ceynte, ayaa tilmaamay in shirkan lagu go’aamiyey qabsoomidda madasha lagu saxiixayo mashaariicda New Deal-ka kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho 23-ka bishan, wasaaradda Qorsheyntana ay xiriirin doonto qorshaha guddiga u xilsaaran Hiigsiga cusub ee uu Ra’’iisul wasaaraha Soomaaliya hoggaaminayo.

Dardargelinta barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee labada sano ee soo socota waa hanaanka Soomaaliya looga hirgelinayo mashaariicyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo tayeenta hey’adaha heer Federaal iyo dowlad gobolleed si loo gaaro doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2016-ka, kuwaas oo ay Xukuumaddan dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horumariyo howlahooda.

—–DHAMAAD——

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online