Raisul wasaaraha DFS oo ka hadlay Weerarkii Hotel Maka Al-Mukarrama

March 28, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Muqdisho:-Raisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shacabka iyo DFS uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Raisul wasaaraha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab aysan cidna deynaynin loona baahan yahay in umada Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesato.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Raisul wasaaraha DFS ayaan bogaadiyay ciidanka Gaashaan oo ka tirsan ciidanka DFS kuwaas oo uu sheegay in ay si degdeg ah u soo afjareen.

Raisul wasaaraha DFS ayaa sheegay si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyey danjirihii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari iyo Farxiyo Bashiir Nuur oo ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hoteel Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka ka dhacay Hotel Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho ay ku dhinteen 14 qof, halka ay 13 kale ay ku dhaawacmeen waxaa kale oo uu xusay Raisul wasaare Sharmaarke in 50 qof ay ciidanka DFS ay soo badbaadiyeen.

Ugu danbeyntii ayaa Raisul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay u ballan-qaadday inay gargaar caafimaad u fidiso dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hoteel Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online