Safaarada Soomaliya ee Talyaaniga oo cambaareysay weerarkii Hotel Makka Almukarramah

March 28, 2015 - Written by Editor

TalyaanigaDanjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Ambassador Muuse Xassan Cabdulle oo maanta war Qoraal ah kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa si kulul u cambaareeyey Weerarkii waxuushnimada ahaa ee Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabab jimcadii ku qaadeen Hoteelka Makka Al-mukarramaha ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku laayeen dad u badnaa shacab islamkaana ku sugnaa gudaha hoteelka.

Danjiraha ayaa ugu horeyn isagoo ku hadlaya magaca safaarada ,howlwadeennada iyo jaaliyada Soomalida Talyaaniga tacsi ugu diray shacbiga Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey weerarkaasi waxa uuna ilaah uga baryey kuwi ku dhaawacmay inuu eebbe si degdeg ah u bogsiiyo.

Safiir Muuse Xasan ayaa si gaar ah tacsi ugu direy ehellada iyo dhammaan Ummadda Soomali yeed ee uu ka geeriyoodey danjirihi Somaliya u fadhiyey xarunta xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobey ee Geneve Marxuun Yuusuf Baribari oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarka hotel Makka Almukarramaha waxa uuna ku amaanay safiirku inuu ahaa wadani jecel dalkiisa oo firfircoon islamarkaana si daacad ah ugu adeegi jiray bulshadiisa.

Ugu dambeynti Danjiraha Somaliya ee Talyaniga General Muuse Xassan Cabdulle ayaa ku amaanay Ciidamada qalabka
sida doorkii ay ka qaateen so afjarista howlgalki ay ka sameeyeen hoteelka kaasoo ay ku khaarijiyeen dhammaan dhagar qabayaashii ka dambeeyey fulinta weerarka iyo soo badbaadintii ay cadowga ka soo badbaadiyeen ciidamada dad badan oo ku xayirnaa gudaha hoteelkaas.

Mohamed Abdulkadir Dahir
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online