Taliyihii Guud ee ciidanka Al-Nusra Abu Hamaam Al-Shaami oo lagu dilay Idlib

March 6, 2015 - Written by Editor

abu hamaamSuuriya:-Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarado ay leeyihiin ciidanka dalka Mareykanka ay duqeyn ku dileen saraakiil muhiim ah oo ka tirsanaa Jabhada Al-Nusra oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Idlib ee dalka Suuriya waxaana ay diyaaradaha Mareykanku ay duqeeyeen guri ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsanaa Jabahada Al-Nusra oo uu ugu horeeyo Abu Hamaam Al-Shaami oo ahaa taliya guud ee Ciidanka Jabahada Al-Nursa waxaana sidoo kale duqeynta ku dhintay saraakiil ka tirsan Al-Nusra kuwaas ku jiray golaha Shuurada ee Jabahada Al-Nusra waxayna kala yihiin.
1. Abu Baraa  Al-Ansaari
2-Abu Muscab Al-Falastiini
3-Abu Cumar Al-Kurdi.

Abu Hamaam Al-Shaami ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa Samiir Al-Xijaazi wuxuuna caan ka ahaa gudaha Al-Qaacida isaga oo ahaa tababar xirfad dheer leh wuxuuna tababaro ciidan ka ahaa xerada Al-Qurabaa  ee Al-Qaacida ee taalay dalka Afgaanistaan.

Abu Hamaam Al-Shaami ayaa waxaa mar taliye ka ahaa  mandhiqada Garoonka Diyaaradaha ee Qandahaar xiligii Dhaalibaan ay gacanta ku heysay inta badan dalka Afgaanistaan.

Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami ayaa waxaa uu u soo wareegay dalka Ciraaq markii ciidamada huwanta ay qabsadeen dalka Afgaanistaan waxaana lagu xiray dalka Ciraaq iyada oo markii danbe loo gacan galiyey dowlada Suuriya .

Dowlada Suuriya ayaa sii daysay Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami  ka dib markii ay sheegtay in ay ku weyday wax danbi ah wuxuuna u safray dalka Lubnaan mudo yar ka dib waxaa gacanta ku dhigay sirdoonka dalka Lubnaan 2005 wuxuuna u xirnaa mudo dhan 5 sano.

Markii uu dhameystay Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami 5 sano oo xarig ah ayaa waxaa laga sii daayey xabsiga wuxuuna galay dalka Suuriya isaga oo ku biiray Jabhada Al-Nusra ee dalka Suuriya kana noqday taliyaha guud ee ciidanka  Jabhada Al-Nusra.

Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami  ayaa waxaa uu la soo shaqeeyey Sh Usma Binladen ,Abu Muscab Al-Suuri,Abu Xamza Al-Muhaajir  iyo Abu Muscab Al-Zarqaawi.

Abu Hamaam Al-Shaami ayaa waxaa looga dhex yaqaanay Al-Qaacida intii uu ku sugnaa dalka Afgaanistaan Faaruuq Al-Suuri wuxuuna ku biiray Al-Qaacida  intii u dhexeysay 1988-1999.

Afhayeenka Jabhada Al-Nusra Abu Anas Al-Shaami ayaa xaqiijiyey dilka taliyaha guud ee ciidanka Jabahada Al-Nusra iyo 4 sarkaal oo ka tirsanaa golaha shuurada ee Jabahada Al-Nusra oo ka tirsan Al-Qaacida.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online