Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo kulamo la qaatay madaxda Jubaland (Masawiro)

March 4, 2015 - Written by Editor

IMG_5952Kismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey ee tagay magaalo madaxda maamulka Jubba-land ee Kismaayo  ayaa maanta 04 March ,2015 kulan muhiim ah ku yeeshay aqalka Madaxtooyada Jubba-land ee magaaladaas.

Qaybtii hore ee kulanka waxaa si wada jir ah u shir gudoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” , waxaana shirku intuu socday looga wada hadlay qodobo muhiim u ah xiriirka laba dhinac iyo horumarka dalka oo dhan.

 1. Xagga Siyaasadda.

Labada Dawladood waxay ku heshiiyeen in aragti isku mid ah laga yeesho
Hiigsiga 2016 ee Soamlia, lana dar-dargeliyo nidaamka federaalka Somalia.

2. Arrimaha Amniga.

Waxaa lagu heshiiyay in si wada jir ah loola dagaalamo kooxda Al-shabaab
Iyo in ciidamada Police-ka lagu taba baro Kulliyada Taba-barada Ciidanka
Police-ka ee Carmo.

3. Xoojinta Xiriirka Ganacsi ee Puntland Iyo Jubba-land.

Waxa sidoo kale la isla soo qaaday in la xoojiyo ganacsiga Ka dhexeeya
Puntland iyo Jubba-land.

4. In Jubba-land laga Caawiyo Dhisidda Hay’adaha Dawladda.

Waxaa shirku intii uu socday lagu heshiiyay in Dawladda Jubba-land laga
Caawiyo dhisidda iyo kobcinta hay’adaha kala duwan ee Dawladda Jubba
Land.

Qaybtii danbe ee shirka waxaa isu soo haray xubnaha golayaasha Dawladaha Puntland iyo Jubba-land iyagoo si faah-faahsan uga hadlay qodobadii ajandaha ku qornaa ee shirku ku saabsanaa.

no images were found

Shirku markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiiro ka tirsan Dawladaha Puntland iyo Jubba-land waxayna sheegeen in si qota dheer la isula qaatay qodobadii laga wada hadlay oo dhan, kuwaas oo ay ugu muhiimsanayd in la dar dargeliyo is dhaafsiga xogta iyo wada shaqaynta labada dhinac isla markaana loo diyaar garoobo barnaamijka hiigsiga cusub ee 2016.


Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online