Wafdigii Madaxweynaha PL oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Madaxtooyada Jubba-Land ee Kismaayo.[Masawiro]

March 5, 2015 - Written by Editor

IMG_7724Kismaayo:-Aqalka madaxtooyada Jubba-Land waxaa xalay 04 March, 2015 lagu qabtay munaasibad ballaaran oo lagu soo dhoweynayey wafdiga baaxadda leh ee Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas.

Munaasibadda waxaa ka qayb galay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba-land, Golayasha wasiirada labada dhinac, saraakiisha ciidamada Jubba-Land, odayaasha dhaqanka Jubba-land, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas oo madasha ka hadlay ayaa caddeeyey in Puntland iyo Jubba-land ay yihiin laba Dawladdood oo mataano ah, isla markaana ay markasta diyaar u yihiin la shaqaynta iyo taageerada shacabka iyo madaxda Jubba-land.

Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Max’ed Islaan ‘Axmed Madoobe” ayaa dhankiisa sheegay inay si diiran usoo dhoweynayaan Madaxda Dawladda Puntland ee martida ah , isla markaana ay baahi weyn u qabaan taageerada Dawladda Puntland.

Waa munaasibaddii ugu horraysay ee nooceeda oo kale ah oo ka dhacda Madaxtooyada Dawladda Juba-land ee Kismaayo tan iyo markii la dhisay maamulka Jubba-land, taasoo lagu soo dhoweynayo Madaxda Dawladda Puntland.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online