Wararkii ugu danbeeyey weerarkii lagu qaaday Hotelka Maka A-lMukarama

March 27, 2015 - Written by Editor

Hotelka Maka A-lMukaramaMuqdisho:-Faah faahin kala duwan ayaa ka soo baxay weerarkii gelinkii danbe ee maanta lagu qaaday Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho waxaana weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi deganaa Mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari ay saaran yihiin walxaha qarxa oo lagu dhiftay Albaabka hore ee Hotelka Maka A-lMukarama waxaana xigay rasaas iyada oo la sheegayo in kooxda weerarka ku qaaday  ay qaarkood gudaha u galeen Hotelka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen askar ka tirsan DFS kuwaas oo ilaalo ka hayey masuuliin ka tirsan DFS oo ku sugnaa Horelka Maka A-lMukarama .

Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/acsiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarka lagu qaaday Maka A-lMukarama ayna khasaaro kala duwan u geysteen ciidanka DFS iyo Saraakiil ku sugnayd Hotelka  gadaalna ay ka faahfaahin doonaan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online