Wasaarada Arimaha dibada ee DFS oo tacsi u dirtay ehelada Danjire Bari Bari

March 28, 2015 - Written by Editor

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMogadishu, March 28, 2015- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Wasiir kuxigeen-ka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye”, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Siihayaha Xoghayaha Joogtada Dahabo Omar Mohamed, Agaasimayeyaasha Waaxyaha , Lataliyeyaasha , Safiirada,Qunsulada guud iyo Dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Ambassador Yusuf Mohamed Ismail ( Bari-Bari) oo ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva , ahaana Uqeybsanihii Ururada Caalamiga ee Xaruntoodu tahay dalka Switzerland.

Danjire Yusuf Mohamed Ismail (Bari-Bari) , waxa uu ku geeriyooday 27 –kii bishan March 2015 Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil ( Bari- Bari) ayaa si rasmi ah ugu soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 2007 xilligaasi oo loo magacaabay xilka Egey joogto.

Marxuumka , oo lagu yiqiinay halkudhigga ah ( My beloved Country) dalkeyga aan Jeclahay xilliga uu ka khudbeeyo Shirarka caalamiga , ayaa ahaa wadani , ku faani jiray dal jaceylkiisa , wuxuu u doodi jiray dadka laga tira badan yahay , wuxuu soo bandhigi jiray xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqul insaanka ee ka dhacay qaar ka mid ah wadamada caalamka , taasoo guulo la taaban karo uu ka soo hoyay , si gaar ah dadka la faquuqo ee loo yaqaan “ Albinism” oo Soomaaliduna u taqaan magaca “gudoodow ama Barasle”, iyadoo golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ay si aqlabiyad ah ay ugu codeeyeen soojeedintiisa in la dhowro xuquuqda dadkaasi , loona aqoonsado 13 June maalinta u gaarka ah dadkaasi ( International Albinism Awareness Day).

Marxuum Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari- Bari) oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur, ayaa heerarkiisa kala duwan ee aqoontiisa waxbarasho ku kala qaatay Magaalooyinka Muqdisho iyo Rome .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online