Wasiirka Difaaca DFS ayaa dardaaran u jeediyay ciidamada DFS ee dagan Dugsiga tababarka Harqaboobe.[Masawiro]

March 4, 2015 - Written by Editor

IMG_7595Guriceel, March 4, 2015….. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal howlleed ku joogay deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa saaka booqasho ku tagey Dugsiga tababarrada Harqaboobe ee qeybta 21-aad ee Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Xoogga dalka, isla markaana dar-daaran u jeediyay ciidamaddii halkaasi ku sugnaa.

Wasiirka ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ee qeybta 21-aad, isagoo kala hadlay sidii loo dhamayn lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka, isla markaana shacabkii magaalada ka qaxay dib loogu soo celin lahaa, waxana ay balan qaadeen in ay ka go’an tahay dhinacooda in xal loo helo dhibaatada.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed General, Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo goobta ka hadlay ayaa xusay mar walba in ay u taagan yihiin soo celinta sharafta iyo haybadda qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin dhinacooda wax walba oo xal loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka ka taagan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa yiri “Waa inaad illaalisaan Nafta Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna ugu horeeyo caddowga al shabaab, oo aad muujisaan isku duubni iyo wadaninimo”.

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aydaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiirka Difaaca.

no images were found

Xafiiska warbaahinta Ministry Of defence
—–DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online