Wasiirka Gaashaandhigga DFS iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay Tababarka iyo qalabaynta Ciidamadda XDS.

March 25, 2015 - Written by Editor

2Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay Midowga Yurub kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka taageera dhanka tababarka Ciidamadda iyo qalabayn-tooda, waxana ay ka wada hadleen dadaallada Dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, xoojinta iskaashiga labada dhinac, tababarka iyo qalabeynta ciidamada Xogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

“Kulankani wuxuu ka tarjumayaa ahmiyadda ay leedahay in la hormariyo dhismaha Ciidanka qalabka sida. Midowga Yurub waa mid kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee xili adag isu taagay in ay gacan qabtaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

“Isku-dhafka ciidamada waa mid ka mid ah waxyaalaha mudnaanta sare noo leh, waxanuna natiijo wax-ku-ool ah ka keenaynaa laba iyo tobanka bilood ee soo socda. Waxaad sidoo kale arkaysaan aragtida dhexe iyo tan fog ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaa muhiim ah in aynaan isha ka qabsan taageerada ballaaran ee loo baahan yahay, Dowladda Soomaaliya mar walba waxay xoogga saareysaa in la helo ciidan awood leh oo hanan kara dalka oo dhan”.

Ugu danbeyn, Saraakiisha ka socotay Midowga Yurub ayaa ballan qaadan in ay kordhin doonaan tababarada ay siiyaan ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay gacan buuxda ka siin doonaan dowladda in ay helaan ciidamaddu agabkii ay ku howlgali lahaayeen.

no images were found

——DHAMMAAD——–
Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online