Waxqabadkii Mu’asasada Al-Minhaaj Xafiiskeeda Garoowe (Masawiro)

March 27, 2015 - Written by Editor

vlcsnap-2015-03-26-21h59m22s20Garoowe:-Waxaa maantay hoolka jaamacada bariga afrika lagu qabtay Xaflad siwanaagsan loo soo agaasimay xafladaan oo lagu soo bandhigayay waxqabadkii golaha fulinta Mu,asasada Al-Minhaaj Faraceeda Gobolka Nugaal Mudadii halka sano ahayd ee ay Xilka hayeen.

Waxaa xaflada kasoo qayb galay Mas’uuliyiin kaladuwan waxaana kamid ahaa Gudoom,iyaha baarlamaanka Puntland/Wasiiro / Maamulka guud ee Mu’asasada Al-Minhaaj/Isimada dhaqanka /Culima udiin/Golaha Wadatashiga Al Minhaaj Garowe/Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Duqa Magaalada Garowe.

Waxaana goobta lagu soo bandhigay Muuqaal k atarjumaya waxqabadkii Sanadkii 2014/2015 Ee Mu’asasadu ku tilaabsatay Muuqaalkaan oo ahaa mid soo jiitay dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay xafladda .

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashay Xaflada ayaa amaanay waxqabadka Ay muujiyeen Maamulkii hogaanka soo hayay Mudadii Halka sano ahayd waxaana Gudoomiyaha Golaha Shuurada Sh C/Naasir Guureeye Gaarshe uu bulshada u xaqiijiyay in golaha fulinta ay qabteen shaqaas iyo Mid ka siibadan waxaana uu ku dhawaaqay ka dib markay arkeen howlaha qiimiga badan Ee ay gaartay Al-Minhaaj Nugaal ay dhankooda kawada tashi ahaan go’aan sadeen in Mudo Halsano ah Xilka loo gordhiyo maamulkii hore Ee golaha Fulinta .

Gudoomiyaha guud ee Al-Minhaaj Ayaa isna dhankiisa amaanay waxqabadkii ay  ku tilaabsatay Al-Minhaaj Nugaal waxaana uu shahaado sharaf uu gudoon siiyay labada gole ka dib u balan qaaday in ay sanadka soo socda Soo xajisiin Doonaan Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Garoowe.

no images were found

Ugu danbayntii waxaa Xaflada sooxiray Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire waxaana uu dhankiisa amaanay shaqadii iyo sidii wanaagsanayd ee ay bulshada Ugu soo khidmaysay Al-Minhaaj dowrkaas oo ah mid aan la inkiri karin waxaana uu Bulshada guud ahaan ugu baaqay in lagarab istaago islamarkaana lalashaqeeyo Mu’asasada Al-Minhaaj .

Mu’asasada Al-Minhaaj
Garoowe
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online