Xafladda Daahfurka Diplom sare ee Fiqiga islaamka oo lagu qabtay Jaamacadda Nugaal.[Masawiro]

March 24, 2015 - Written by Editor

9Laascaanood:-Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu daahfurayey diplomaha sare ee Fiqiga islaamka oo lagu soo kordhiyey Jaamacadda Nugaal ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood. Xafladdaas oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan Aqoon yahannad, Culimada, Qurbojoog, Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Nugaal ayaa ugu horrayn waxaa wacdi cilmiga ku saabsan soo jeediyey Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed, wuxuuna ku dheeraaday ahmiyada iyo booska qiimaha badan ee Alle Sw uu dhigay Cilmiga iyo Ehelkiisa .

Sidoo kale waxaa warbixin kooban oo ku saabsan jaamacadda jeediyey guddoomiyaha jaamacadda Professor Cabdirisaaq Maxamed Aadan ( lafoole). Prof.C/Risaaq Lafoole wuxuu warbixin ka bixiyay Taariikhdii iyo marxaladihii kala duwanaa ee Jaamacadda Nugaal soo martay , Xilligii la aas aasay iyo duruufihii ay soo martay Jaamacadu. Waxaa Sidoo kale ka hadlay xaflada daahfurka Hormuudka kulliyadda shareecada iyo daraasaadka Islaamka Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire .

Dr Axmed Jaamac Ismaaciil ayaa faahfaahin ka bixiyay barnaamijka Diplomaha heerka sare ah isagoo ka hadlay manhajka lagu qaadanayo oo ah mid la mid ah kan lagu qaato jaamacdda Madiina, maadooyinka la qaadanayaana ay yihiin: (culuumta Fiqiga Madaahibta oo dhan, Qawaacidda Fiqiga, Usuulu Fiqiga, Siyaasadda iyo Garsoorka Islaamka iyo waliba qaababka cilmi-baarista), sidoo kale wuxuu Dr Axmed Jaamac soo bandhigay Professor-ada wax ka dhigaya Diplomaha oo afar ka mid ahi ay Shahaadada PhD -ga ka haystaan jaamacadda Madiina kuna diyaariyeen culuumta shareecada islaamka.

Daahfurka Diplomahan oo ay aad ugu riyaaqeen guud ahaan dadkii xafladda isugu yimid gaar ahaanna bahda waxbarashadu ayaa qaybaha bulshadu muujiyeen dareenkooda farxadeed soona dhaweeyeen waagaas cusub ee u baryey, iyagoo hoosta ka xariiqay in laga faaiidaysto fursaddaas qaaliga ah.

Ugu danbayntiii shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ad u soo dhaweeyey dedaalka aqooneed ee uu Dr .Sh Axmed Jaamac Ismaaciil ka wado magaalada , isaga oo Dr -ku dhawaan ka yimid Jaamacada Madina University , isaga oo soo qaatay Shahaada ugu sarraysa ee PhD dhinaca Shareecada Islaamka.

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online