Banaanbax Rabshado watay oo ka dhacay Degmada Dhuuso Mareeb

April 1, 2015 - Written by Editor

degmada DhuusamareebDhuusamareeb:-Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in banaanbax uu ka dhacay gudaha degamada kaas oo looga soo horjeedo in shirka maamul u sameynta gobalada dhexe loo wareejiyo magaalada Cadaado.

Dadweynaha dhigayey dibad baxa ayaa ka soo horjeeday in shirka maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ka dhaco magaalada Cadaado waxaana ay si buuxda utaageersan yihiin in shirka maamul u sameynta gobalada dhexe lagu qabto Degmada Dhuusa Mareeb,

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa kala ceyriyay dadweynihii isku soo baxay waxaan kacsan xaalada Degmada iyada oo la xiray qaar ka mid ah wadooyinka Degmada Dhuusa Mareeb.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaaminayey ayaa la filayey in gaaraan goordhow Degmada Dhuusa Mareeb balse waxaa ku dhacay dib u dhac lamana dhaacin goorta uu tagi doono madaxweynaha Dhuusa Mareeb.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online