Ergeyga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay

April 20, 2015 - Written by Editor
UN-garoowe-480x640Muqdisho, 20 Abriil 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo yaalay magaalada Garoowe weerarkaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Waxaa iga nixiyay igana walwaliyay wax maanta ka dhacay Garoowe. Waxaa aad u fool xun sidda loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay arrimaha Bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadan baahida dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah SRSG Kay.

Saakay abaarihii markay ahayd 2-da saac ee subaxnimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaayay Garoowe, Puntland, lala beegsaday waxyaabaha qarxa ( IED), waxaana ku waxyeeloobay dad aan tiradooda la garaneyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.

“Arintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, haddana waxay u mideysanyihiin sii loo wadi howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama waxkunoqdayba.” Ayuu yiri SRSG kay.

Faafaahinta kusaabsan arintaan waan idinla wadaagi doonaa islamarka ay cadaato.

Dhamaad.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online