Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo furey kal-fadhiga barlamanka DFS (Masawiro)

April 27, 2015 - Written by Editor

8Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah furey kal-fadhiga lixaad ee barlamanka DFS waxaana munaasabada lagu furay ka soo qeyb galay Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ,Gudoomiyaha Baarlamaanka ,xeer ilaaliyaha guud iyo hanti-dhowraha qaranka iyo gudoomiyaha Maxkamada sare.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ka jeedshay golaha baarlamaanka DFS kula dardaarmey xildhibaannada iyo masuuliyiinta DFS in ay xil iska saaraan  danta guud ee dalka  iyo dadweynaha ay matalayaan.

Madaxweynaha DFS ayaa wuxuu ka codsaday barlamanka DFS inay dedejiyaan ka doodista iyo ansixinta shuruucda la xiriirta doorashooyinka iyo dhismaha maamul goboleedyada dalka ka  hirgalaya .

Waxaa sidoo kale khudbad kooban ka jeediyey kalfadhiga baarlamaanka maanta Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke wuxuuna si kooban waxqabadka xukuumadiisa iyo safarradii uu dalka dibadiisa ku tagay .

Ra’isal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa ka sheegay baarlamaanka in dowlada Kenya ay kala hadleen xanibaada xawaaladaha  iyo qorshaha dib u  soo celinta qaxootiga Soomaalida wuxuuna sheegay in  is afgarad laga gaarey .

no images were found

Baarlamaanka DFS ayaa waxaa hor yaal ajandooyin kala duwan oo laga doonayo in ay ka doodaan gaar ahaan higsiga 2016,xeerka doorashooyinka,kan axsaabta  iyo la dagaalanka waxay ugu yeeraan argagixisada.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online