Madaxweynaha dowladda Puntlad Dr Cabdiweli Gaas oo dib ugu soo laabtay Garoowe[Masawiro]

April 26, 2015 - Written by Editor

IMG_76051Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey safar shaqana ugu maqnaa dalkaItoobiya ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha sare ee ciidamada Puntland, haween , dhalinyaro iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta qeyba-heeda kala duwan shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayo safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa ugu qabtay madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
” Waxaan ka soo laabtay shirkii Tana Forum , shirkaasi oo sanadkiiba mar la qabto Puntland ay u tahay sanadkii labaad oo ay ka qeyb-gasho , waxaana isugu yimi shirkaa wadamo badan oo ay ka socdeen madaxda geeska afrika ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxda dawaldda Itoobiya oo uu madaxweynuhu kulamo kala duwan la qaatay ayuu sheegay in ay uga wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa isu socodka ganacsiga Puntland iyo Itoobiya oo meel wanaagsan maraya. Madaxweyne Gaas ayaa ciidamada Puntland ku bogaadiyey sii wadida dagaalka adag oo ay dawaladdu kulajirto al-Shabaabka ku dhuumaaleysta Puntland waxaana uu sidookale tilmaamay in Puntland ay ka adag tahay adkaynta midnimada iyo amnigeeda.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in meel wanaagsan ay marayso in maalgashi caalami ah laga samaysto Puntland islamarkaana ay yimaadaan shirkado ganacsi oo waaweyn.

no images were found

DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online