Madaxweyne ku xigeenka PL oo daahfuray shir Hay’adda UNOPS ku soo bandhigaysay horumarinta Puntland.[Masawiro]

April 19, 2015 - Written by Editor

IMG_7281Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19-4-2015 xarunta PDRC ee Garoowe uga qeyb-galay shir Hay’adda Mashaariicda u qaabilsan Qaramada midoobey ee UNOPS ku soo bandhigaysay qorshe ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, madax ka socotay hay’adda UNOPS , agaasimayaal katirsan wasaaradaha Puntland iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo lagu martiqaaday madasha shirka.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in madaxda hay’adda UNOPS Puntland u yimaadeen sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, haday ahaan lahayd Dekedaha, Gaadiidka, Garoomada diyaaradaha iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

” Waxaa loo baahanyahay in wasaaradkasta ay garan karto baahideedu waxa ay tahay una soo gudbin doonto madaxda hay’adda UNOPS , runtiina waxaan rajaynaynaa in sanadaha soo socda howshaan lawado lagana gun gaaro ” Ayuu yiri Eng. Cabdixakiim Camey.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidookale hay’adda UNOPS uga mahadceliyey dadaalada horumarineed ee ay kawadaan Puntland , isagoona kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda.

Markasta oo uu koboc horumarineed ku yimaado kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland waxay fursad iyo horumarba u tahay shacabka reer Puntland, oo had iyo jeer ay ka go’an tahay sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen hirgelinta adeegyada horumarineed ee aasaasiga ah.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online