Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe (Masawiro)

April 1, 2015 - Written by Editor

IMG_3829Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng : Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo isuguna jiray Wasiiro, Xildhibaano, culimo’udiin, Isimo, cuqaal iyo waxgarad ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe, kadib safar qaatay todobaad oo ay ugu maqnaayeen hashiisiinta laba beelood oo walaalo ah wada dagana Gobolada Bari iyo Karkaar.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdiga la socday ayaa markii ay gudaha u soo galeen magaalada Garoowe waxaa ay yimaadeen Madaxtooyada dawladda Puntland , waxaana halkaasi si kal iyo laab ah  ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng : Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in guul iyo is afgarad uu ugu soo dhammaaday hashisiintii beelaha walaalaha ah ee Cali-saleebaan iyo Ugaar-saleebaan ee wada daga Gobolada Bari iyo Karkaar.

” Beelihii walaalaha ahaa waxaanu hada kanimi iyagoo gacanta is haysta, salaana waan idiinka wadnaa Madaxweynaha iyo iyo dhammaan shacabka reer Puntland ” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng : Cabdixakiin Camey.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xasan Shire oo ka hadlay madasha ayaa dhankiisa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay guusha ay xukuumadda Puntland ka soo hoyday soo afjarida colaada soo kala dhexgashay labadaa beelood ee walaalaha ah.

” Puntland dhaqan bay u lahaan jirtay inay wax kas too dhexmara mid beeleed iyo mid siyaasadeedba ay leeyihiin dad xaaja yaqaan ah oo cid walba isugu jira oo dhameeya khilaafka ” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si aad ah Madaxweyne ku xigeenka iyo dhammaan waxgaradkii, wasiiradii, xildhibaanadii, cuqaashii iyo wagaradkii  ka qeyb qaatay hashiisiinta beelahaas walaalaha uga mahadceliyey guusha ay ka soo hoyeen soo afjirada colaadaasi.

no images were found

” Mahadnaq gaar ah waxaan iyana u dirayaa ciidamada meeshaa utagay howshaa iyada ah , markii horana qeyb libaax leh  ka qaatay sidii loo damin lahaa colaadaas ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

” Puntland shacabkeedu waxaa ay u badan yihiin dad nabada jecel, dad runtii saamaxaad badan wanaagana u hiiliya ayey u badan yihiin kana shaqeeya xasiloonida iyo jiritaankooda ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Ilaah waxaan ka rajaynayaa sida aad u soo dhamayseen iyo sida ay u waafaqeen iyo sida ay isugu raaceen inay u hirgasho ayaan rajeyn, aad iyo aad ayaadna u mahadsan tihiin guul iyo kheyr ayaana rajaynayaa ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online