Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Camey oo booqday goobtii Qaraxo ka dhacay[Masawiro]

April 20, 2015 - Written by Editor

IMG_7302Garoowe:-Magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland ayaa abaare 8:00 subaxnimo ee saaka waxaa qarax ka dhex qarxay Gaari Bus ah oo ay saarnaayeen shaqaale katirsan Qaramada Midoobay isuguna jiray Ajanabi iyo Soomaali, gaariga ayaa qarxay xili uu shaqaale kale ka qaadayey afaafka hore ee xarunta Hay’adda FAO .

Qaraxa waxaa uu sababay dhimashada 7-qof , shan kamid ah waa shaqaalaha Qaramada Midoobay , labana waxaa ay katirsan yihiin ciidanka ilaalada Hay’addaha caalamiga ah ee SPU , dhaawacuna waa 6-qof labo kamid ah iyana waa shaqaalaha UN-ka, dareewalkii gaariga waday iyo saddex askari oo ciidamada SPU ah.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa qaraxa kadib gaaray koobta uu ka dhacay waxaana uu uga sii gudbay cisbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe isagoona ku booqday dhaawacyadii iyo meydkii.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng : Cabdixakiim Camey ayaa cambaareyey falkaan, waxaana uu si deg deg ah u magacaabay gudi baaritaan rasmi ah ku sameeya dhacdada qaabkii ay u dhacday .

Gudiga oo ka kooban Wasiiro iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa ay ka yihiin.

1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

2: Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Col. Cabdullaahi

Dawladda waxay si buuxda u cadaynaysaa inaan falkaan wax saamayn ah ku yeelanayn amniga iyo kala-dambeynta wanaagsan ee kajirta Puntland, xaalada magaalada Garoowana ay tahay mid caadi ah, islamar ahaantaana ciidanka Amniga Puntland si dar dar leh ay u wadaan baaritaano xoogleh oo ku aadan dhacdadaas.

no images were found

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
April 2015
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online